Malaayiin Qof Oo ku Tukaday Meydka Jeneraal Qasim.(Sawiro)

Kumanaan kun oo Qof ayaa isugu soo baxay Wadooyinka magaalada Tahran ee Caasimada dalka Iiraan si ay uga qayb galaan salaada Jinaasada iyo baroor diiq loo sameyay Jeneraal Qasim Sulemani oo Jimcihii Lasoo dhaafay ay duqeyn ku dileen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

 

Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan, Aayatollah Khamenei, iyo Masuuliyiin badan oo Iiraaniyiin ah ayaa kasoo qeyb galay Jinaasada Meydka Jeneraalka oo la galiyay naxash la huwiyay calanka Iiraan ayaa ka dhacday fagaaraha magaalada Tahraan, halkaasoo bacda tukashada baroor diiq loogu sameeyay, waxaana fagaarahaasi lagu gubay calanka Maraykanka.

 

Xildhibaanada Baarlamanaka Iiraan, Masuuliyiin iyo dad kale oo badan ayaa ku dhawaaqayay ha dhaco Mareykanka iyo ereyo kale, waxaa sidoo kale dadka isku soo baxay gubayeen calamada Mareykanka iyo Israa’il.

 

Dadka isugu soo baxay Tukashada iyo Baroor diiqda loo sameenayay Madaxii Cutubka Qudus ee katirsan Ilaalada Kacaan Iiraan ayaa u muuqday kuwa si weyn uga careesnaa dilka Mareykanka u geestay Jeneraalkan laga jeclaa gudaha Iiraan.

 

Dowlada Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay u aar gudi doonto Jeneraal Qaasim Suleemani iyo xubno kale oo Iiraaniyiin ah oo lala dilay, waxaana dilkan abuuray xiisad dagaal oo laga xabsi qabo in uu dhax maro Mareykanka iyo Iiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker