FAYSAL CALI WARAABE MA LAALUUSHKA DAWLADUUN BUU CUNI YAQAANAA WAX KAMA YIDHAAHDO XADHIGA NICIIMA QORANE IYO BUUGA HABLAHA CIIDAGALE LAGU AFLAGAADEEYEY

Waxaan aad ula yaabaa oo dalkii iyo dadkiina eegayaa faysal cali waraabe oo loo haystay nin masuula iskuna sheega in uu u cadaalad fali lahaa dadka xaquuqdooda iyo masiirka dadka uu xilka u hayo hadana haysta taytal been ah oo ah gudoomiyaha xisbiga UCID Ayaan wax hadala, qoraala, amaba xataa inuu ka xun yahay soo qaadin dhowr dhacdo oo kala ah, Gabadh yar oo miskiinada Niciimo abwaan Qorane oo tacadi aanay qaadi Karin lagula kacay, Buugii uu qoray magaciiba guri barwaaqo oo gaar ahaan u taabanaysa faysal hablahooda loogu hor badheedhay cayda foosha xun ee uu ka aamusay iyo dadka qabiil ka mid ah Somaliland oo ilaa suldaankoodii la xidhay magaalada burco waa beesha gabooyee.
Hadaba faysal oo marka nin inaadeerkii ah uu hadlo iasgoo weliba dad u jawaabaya oo aanay faysal ku socon loo soo bas baaseeyo si aan miidaan lahayn oo indho la’aanana uga jawaaba inta madaxtooyada looga yeedho la cashaysiiyo, waxoogaagiina loo laabo isagoon guriga gaadhin TV yada u yeedhan jiray Ayaan wax hadala dhacdooyinkan ka bixin, waxaan leenahay anagaa qabna kharajkaaga ee bal wax ka dheh faysalow.
 
Nin wareersan inuu duukhay bay doqontu moodaaye
Inkastuu dunqaarahakan dhacay dulegle heehaabo
Hawdeyrin muusow Deeqii Alluu dooc ka sugayaaye
Nin dayoobay dayr dayr hadduu dawyadaw jiidho
Mar’uun buu daryaankii kabi’ i doorshay madixiiye
Bal eegaay dal kuu dhaafay buu dib ugu laabtaaye
 
Waxaan kale oo ku dari lahaa hadii qof xamar tegay loo xidhayo 3 sanno ama ka soo gabyey dhalin yaro hore way tageen way ka soo heeseen lama xidhin, lamina xukumin saraakiil xisbi baa tagtay uu ka mid yahay Maxamed cabdillahi ahaana jiray wasiirkii hore ee arrimaha debeda la shiray farmaajo wuu yimaadaa mar walba lama xidho ee weliba gawaadhi gelbisaa loo diraa faysal waa loo yeedhaa wuxuu isla soo tagaa madaxweynahaa noo yeedhay oo na casuumay dadka meelahaa ka hadlaya waa qaran dumis hadaba laaluushka faysalow anaga nagu qor hada wixii ka danbeeya oo bakhtinimada lagu adeegsanayo iska daa Odaybaad tahee waan gaajoonayaa looma bakhti cunee inta lagu siiyo iyo ka badan waad heli kartaa.
Sangihii diraw lagadhigee dibintu boogoowday
Mar’uun buu dan kaaraha jaraa soodur duriyaaye
Bal dayaay dabrada weerar baan daaqad looheline
Nin ladagay sidii doqon hadduu dacayda laalaadsho
mar’uun buu dareemi faysal inaan darajo loohayn
Bal dayaay markuu didiyo ee uu dayrka jabinaayo
 
Mar haday xaalka s/land halkaa marayso oo caruuraha layska taxaabaayo waa in caruuro kale loo afduubtaa oo loo taxaaba maaha in qaarna iskuulada dhigtaan qaarka jeelasha layska gaysto oo xabsi lagu haysto dad dhaleen oo aan denbi loo haysan aan ka ahayn xamar baad aaday waad gabayday, bug baad qortay, Guri barwaaqo oo bug qoray oo caayey haween weynaha ciidagale iyo weliba soomaaliyeed ayaa dawladan niciima xidhatay u ah wasiir oo sanka dadka lagaga xoqayaa waa in caruur loo qafaashaa illaa inta laga soo daynaayo niciima adhi la laayaa adhi la laayuu leeyahay.

Doonyaha Jamaalka ah haddii dakhal ka loolaalo
Mar’ uun baa dabaylaha galaa kor u dandaanshaane
Bal dayaay  dinjiga saaran baa daraxu caynshaane

Dad qaraab ninkii kuugu xigay hadduu kugu dugaagoobo
Mar’ uun baa  dafaarkaas fakaday dabin ku rooraaye
Bal dayaay nabsigu waa wixii daaha yuurureey

Tol aamusay oday dooralaa loogu dawgalaye
Mar’uun baa duqaydii xumayd diracyo dhaafaane
Bal dayaay rag cadad duuban baa dib u guhaadoone

 

ABDI ALI OBSIYE
jmladam413@gmail.com

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker