Ganacsade Cabdi Xoosh Oo Ehel Ahaayeen Siyaad Barre oo ku geeriyooday Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo ka mid ahaa ganacsatadii Somaliya ugu magaca dheeraa Xilligii Kacaankii Siyaad Barre ka talin jiray Somaliya

Cabdi Xoosh Wuxuu ku dhashay Miyiga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, waxaana uu u soo wareegay magaalada Muqdisho isaga oo Lix sano jira ah sida uu ku sheegay wareysi hadda ka hor lala yeeshay.

Ganacsade Cabdi Xoosh ayaa isaga oo yar ka bilaabay magaalada Muqdisho ganacsi aan sidaa u buur-neyn sida iibinta Roodhida iyo Muuska, isaga oo markii danbe ku biiray dhinaca ciidanka Milateriga Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Sanado badan.

Militariga kaddib waxaa uu u wareegay Dhanka Ganacsiga,Magaalada Muqdisho ayu ka hergaliyay ganacsiyo kala duwan iyo dhismayaal caan ah oo ilaa iyo hadda ku suntan magaca ”Xoosh”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker