Warbixin Xaaladda Sharci Ee Kiiskii Ayaanyar iyo Soojeedin Ku Socota Hiilkii Bulshadu Ballanqaadday!

Xaladaha nololeed ee dhaca ayaa i baray inaan u hiiliyo dadka dulman, siiba dadka la xidho ama xadgudubka la kulma. 13kii Jeneweri 2021ka ayaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal laga duubay gabadhyar oo Ayaan Yuusuf Maxamed Diiriye la yidhaahdo.
Illaa hadda waxa aanu qaadnay tallaabooyinkii u ahaa garabka sharci, waxaana 17kii Jeneweri 2021ka la xidhay gabadhii gabboodfalka samaysay. Maxkamadda waxa gabadhaas la hor keenay 19kii Jeneweri 2021ka Salaasa, waxaana loo jaray rummaan inta baadhitaanku soo dhammaanayo. Waxa boolisku ay weyddiimo weyddiiyeen dhibbanaha, waalidkeed iyo aniga oo marag ka ah wixii aan ka ogaa hawshaas.
Waxa loo gudbin doonaa xeerilaalinta iyo maxkamadda oo qaadi doona oogitaanka dacwadda iyo xukunka. Waxa aan rejaynayaa inuu ku dhammaado caddaalad dhan walba. Garsoorka waxa loo dhisay inay dadku ku kala baxaan.
Hiilkii Bulshada iyo Ballanqaadkii Ummadda
Ta labaad, dad badan ayaa ku ballanqaaday inay tunka u ridan doonaan waxbarashada, shaqada iyo nolosha Ayaan. Samafaleyaal badan oo dalka, dibadda iyo dunida kala jooga oo ka damqaday xadgudubka dhacay ayaa damiirkoodu faray inay u hiiliyaan dhibbanaha. Taageero niyadeed, dhaqaale, walaalnimo, sharci iyo niyadsami ah ayaa la huray. Waa aragti bulshada ka timi tani.
Waxa ay noqotay in aan qiimeeyo xaaladda qof ahaaneed iyo ta qoys ee Ayaan Yuusuf. Si yool midaysan loo yèeshana waxa aan rabaa in la ila gorfeeyo aragtida aan tebinayo. Waxa ii muuqda iskaashi lagu hirgelin karo tallaabo wax ku ool ah.
Ayaan Yuusuf Maxamed waxa ay u weyn tahay toddoba carruur, ah oo ku nool deegaannada Miyiga Hargeysa. Ma ay helin waxbarasho toos ah. Waxaaan Ayaanyar weyddiiyay “Diyaar ma u tahay inaad wax barato?”. “Haa” ayaa ay iigu warcelisay.
Haddii la dammaanadqaado waxbarashada iyo shaqadeeda waxa sugaya walaalaheed oo aan helin kansho (fursad) ay wax ku dhigtaan. Wixii horumar ah ee ay gaadhaa waxa uu noqonayaa mid ay ku kabto qoys aan loo daarin nalka aqoonta. Waxa ila qurxoon inay helaan dib u dejin. In dhibtii loo rogo hiil run ah ayaa waxtar weyn iila muuqata.
Intii ay kolba dulsaar ku noqon lahayd ama duruufuhu ku dirqiyi lahaayeen inay xigaal ama xaafad kale la degto/noolaato; waxa ila qurxoonaatay in la suurtageliyo sidii ay hooyadeed, aabbaheed iyo walaalaheed ula noolaan lahayd.
Tusaale ahaan, in qubane loo soo diro $100, $200 ama $500 kuwaas oo qof ama kooxi isu kaashato, kuwaas oo ku baxa qorshe la’aan, waxa igala habboon in cududda la codeeyo.
Waxa dedaalka lagu midayn karaa:
1. In la helo/iibiyo jago ama dhul ay degaan Ayaan Yuusuf Maxamed, waalidkeed iyo walaalaheed
2. In laga dhiso 3 ama 4 qol oo ay degaan
3. In loo helo shaqo iyo waxbarasho. Labada dambe waa loo hayaa.
Waxa laga yaabaa in jagada helitaankeeda iyo dhismaha aqalku qolna ay noqdaan lacag aan badnayn oo dhawr dal ama cidi bixin karto. Garabsiintaas ayaa is beddel togan oo dhammaystiran ku keeni kara Ayaan Yuusuf Maxamed iyo qoyskeeda.
Tabantaabaday laba gacmood, tamar ku yeeshaane
Hadday midigtu keli taagan tahay, tahar ma goyseene
Wixii faahfaahin dheeraada ah igala soo xidhiidh Facebook Messenger
Ama WhatsApp
0634428604
Siciid Maxamuud Gahayr
Mahadsanidiin dhammaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker