Kulankii Liverpool & Man United Oo Jabisay Rikoodhka Daawadashada.

Inkasta oo uu bar-baro bilaa goolal ah ku dhamaaday kulankii Liverpool iyo Man United ah hadana kulankaas ayaa jabiyay rikoodhka daawadashada.

Shabakada Sky Sport ayaa kashiftay in kulankii Liverpool iyo Man United ee Axadii dhacay uu dhigay rikoodh dhanka daawashada.

Shabakada ayaa sheegtay in kulankii ku dhamaaday bar-baraha 0/0 ah daawadeen dad dhan 4.5 milyan oo qof bilowgii ciyaarta.

Laakiin daawashada ayaa gaadhay 4.8 milyan 5-tii daqiiqo ee ugu dambaysay ciyaarta ka hor intii ayna dhaman.

Isla shabakada ayaa sheegtay in daawadayaashii daawaday kulankii Liverpool iyo Man United uu dhaafay dadkii daawaday kulankii Man United iyo Man City ee sanadkii 2012 kaas oo ahaa 4.04 daawade wakhtigaas.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker