Madaxweynaha Kililka Hadalkiisa Maxaa Daba Socda

Madaxweynaha Kililka Hadalkiisa Maxaa Daba Socda:

 

 

Warkan ka soo yeedhay madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee DDS ayaa dad badan fajac ku riday, waxase xaqiiqadu tahay waa war aanu ka fiirsan oo iska soo tuur ah.  Waxaya hore u aragnay madaxweynihii isaga ka horeeyey ee Ilay oo isticmaalaya hayadaha nabad gelyada oo dad u dhashay kililka shanaad oo ku sugnaa xilligaa deegaananada uu madaxweynaha cusubi  ku tiraabay in laga soo weerayo marba mid uu isagu garanayo odhan jiray dembibuu iga galaye ii soo dhiiba loona dhiibi jiray si loo ilalliyo nabad gelyada iyo wada shaqaynta. 

 

Kan hadda meesha yimi isna wadadii kii horuu hayaa waxan uu soo wadaana waa intii aynu hore u aragnay ee hebel iyo hebel ii soo dhiiba. Kani waa layli syaasadeed oo arrintii heer madaxweyne ayuu kaga bilaabay saxaafadana waa la soo fadhiistay, halka Ilay uu soo mari jiray haydaha nabad gelyada. Horaa loo yidhi siyaasaddu saaxiib joogta ah ma leh laakiin dano joogta ah ayay leedahaye, ninkani hadda isagaa kursiga ku fadhiya ee saddexda maamul ee uu magcaabayba waxan u soo jeedinyaa inay u dhiibaan dadkan uu ka baqanayo inay soo weeraraan, isagaana garnaya kuwa ay yihiin oo sheegi doona.   Dad badan oo ninkna yaqaan ayaa sheega in ninkani Somaliland oonu weligii arag waxna u gelin ku khafiiifay, haddana Jubbland iyo Puntland buu ku soo daray. Waa nin ay muuqato inaanu fahamsanayn masuuliyadda ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa oo meelo kale oon lagaba aqoon isooga hanqal taagaya.

 

Xilligii Ilay, kooxahaaa uu ugaadhsan jiray Ilray kuwa taageersani waxay odhan jireen Axmaraa baa loo dhiibay, inagoo og in Axmaaro warkeeda uu ugu dambeeyey xilligii Mangiste.  Haddana kuwan uu Cgajar doonyao marka la dhiibo taageeryaashoodu waxy odhan doonaan Axmaaraa loo dhiibay.   Taasi waxay ina tusaysaa inay Axmaar u yaqaanaan marba ka kursiga ku fadhiya. 

 

 

 

 Abokor Baaruud

baruda2006@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker