Dawladda Uganda Oo War kasoo Saartay Saraalkii Isku Dilay Magaalada Muqdisho
Dowladda Uganda ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay sarkaal ka tirsanaa Ciidamadeeda oo dhawaan isku dilay magaalada Muqdisho, kadib markii uu toogtay Askari kale oo ay Saaxibo ahaayeen.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in sarkaalka is dilay lagu magacaabi jiray Edward Ssebagala, sidoo kalena askariga uu dhawaacay oo Haweeney ah lagu magacaabo Jackie Nabifo
Sidoo kale Mr Karemire ayaa tacsi u diray Ehellada sarkaalka is toogtay, halka uu caafimaad deg deg ah u rajeeysay Haweenyeda dhaawaca ah oo ka mid aheyd ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Ma shaacin afhayeenka ciidamada difaaca Uganda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadan, balse waxaa uu xusay in uu jiray xiriir ka dhexeeyay askartaasi.
Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanayay dilalka ay dhexdooda isu geysanayaan ciidamada ka socda dalalka Midowga Africa, iyadoo bishii la soo dhaafay ee May Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho lagu dilay 4 ka tirsanaa ciidamada AMISOM, kadib uu iska hor imaad ku