Madaxweyne Biixi Ma Ogyahay Cadaalad Darrada Ka Dhacaysa Hoostiisa ee Lagu Dulmayo Dadka aynu Jaarka Nahay ee Dowlad deegaanka Soomaalida?

“Halkee Ayey Ku Danbeysay Dacwada Gabadha kasoo Jeeda Dawlad Deegaanka Somaalida Ethiopia ee Hantida Lagaga Dhacay Hargeisa.”

Hargeisa (OWN):- Sanadkii hore ayey ahayd markii ay dibeda usoo baxday cabashada dacwad u  dhaxaysa  Yasmine Abdulkadir Alshabani oo ah gabadh deeqaan ahaan kasoo jeeda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo Sacad Saciid Al shabani oo ah nin carab ah asal ahaana kasoo jeeda dalka yaman balse kamida yamanida la dhiiga baxa beelaha dega gobolka saaxil,  lamaanahan oo markii hore isqabay balse hadda kala tagay  ay gabadh oo xaaskiisa ahayd bixisay hantida lagu dhisay fooq ku yaala gudaha caasimada hargeisa oo lagu Magacaabo Holiday In, qoyskan oo deganaa dalka Canada ayaa markii uu hirgalay dhismaha fooqani waxaa damac khiyaamo toosa kula kacay ninkii ay u dhaxday kaas oo dafiray guud ahaanba in wax hanti ay galisay xaaskiisu dhisamaha fooqaasi, dacawd ay ka furatay maxkamada gobolka maroodijeex ee hargeia ayaa dhegaysigii dacwada kadib markii ay keentay cadeymo ku filan dhaqaalaha ay ku bixisay dhismaha fooqan oo dhamayd saddex boqol oo kun oo dollar, waxaa ay maxkamadu ay u xukuntay dhibane yaasmiin c,qaadir,kaas darajadii fulintay ay kasoo saartay in muddo toban cisho gudahood ah uu ku bixiyo lacagtaas uu sida khiyaamada ah uu uga dhacay gabadha, waxaana dacwaysane Sacad saciid uu is hortaag ku sameeyey kiiskii fulinta u bislaaday ee ahaa inuu lacagta dhan saddexda boqol ee kun($300,000) uu ku bixiyo mudada loo cayibay isagoo ku dooday inaan la odhan magaca lacagta laga doonayo oo aanu isaga ahayn.

Intaa Kadib waxaa uu dib rafcaan 2aad ugu qaadatay yaasmiin c,qaadir  maxkamada sare oo ah halka ugu sareysa garsoorka Somaliland, maadaama loo fulin waayey xukunkii sugayey fulinta ee ay maxkamadaha ka hooseeyaa usoo xukumen.

Nasiib darrada dhacday ayaa noqotay in Gudoomiyaha maxkamada sare oo garabsiinaya ninkan carabka ee lagu magacaabo sacad Saciid Alshaybaani uu dacwadii u saaro gudi ka kooban saddex garsoore oo ka garnaqa dacawadaasi, waxaana bilowgii dacwadaasi oo muddo soo jiitamay uu gudoomiye aadan xaaji Axmed Amar ku bixiyey fareyna garsoorihii  uu gudoomiyaha uga dhigay garnaqa dacwadan inuu guud ahaanba buriyo Xukunadii ay hore usoo saareen maxkamadaha ka hooseeya ee ahaa in la xayiray fooqaasi islamarkaana uu bixiyo lacagta uu ka dhacay gabadha ee cadadkeeda aynu sare kusoo sheegnay.

Waxaanu amar ku siiyey garsoorayaasha in ay dib ugu celiyaan Maxkamadihii hore uga soo garnaqay dacwadan dibna ay uga soo garnaqaan.

Go’aankan kasoo baxay Maxkamada Sare oo ay bulshada intii maqashay aad ula yaabeen ayaa abuuray dareeno farta ku godaya heerka cadaaladeed ee gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland.

Gudoomiye Aadan xaaji cali oo ay cadaadis ku saareeen beeshiisu oo difaacaya ninkan lagu magacaabo Sacad Sacid Alshaybani ayaa isaguna garsoorayaasha saddexda ah ee sawiradoodu xaga sare ka maquudaan amar ku siiyey inay soosaaran go’aankaa ka fog cadaalada ee aanu jirin sharci loo daliilshaday.

Cuqaasha iyo Madaxda dhaqanka dawlad deegaanka somaalida Ethiopia ayaa iyaguna hore uga hadlay arrintaasi iyagoo ku baaqay in gabadhaas la dulmiyey ay cadaalad ku hesho xoolaha laga dhacay.

Halkan Hoose Ka Daawo Dhawaaqii Madaxda Dhaqanka Dawlad Deegaanka Somaalida ee Ka Hadlay Arrintan.

Halkan Ka Akhri Lifaaqa Xukunaddii Kasoo Baxay Maxkamadaha.

 

General Ibraahim Maxamed Doolaal  oo ah Rugcadaa kasoo jeeda dawlad deegaanka somaalida Ethiopia iyo somaliland oo adeer u ah gabadhan lagu dulmay hargeisa ayaa isaguna dhawr mar u yimid cadaalad u raadinta gabadhan uu adeerka u yahay.

Arrinta is waydiinta mudan ayaa in wakhtigan Madaxweyne biixi oo talada dalka haya haddana ay jiraan cadaalad daroooyin baahsan oo aan indhaha laga qarsan Karin kuwaas oo sababi kara dulmi umad badani ku halaaganto.

General Doolaal oo ah oday sumcad weyn ku leh dawlad deegaanka somaalida iyo Ethiopia iyo somalilandba kuna abtirsada labada dalba ayaa wakhtigan waxaa bulshada layaab ku noqotay in gabadha uu adeerka u yahay loogu gaysto gudaha caasimada ficilada noocaas ee dhaca ah.

Sida La ogyahay Beesha ay ka cabanayso ee gabadhan xooluhu ka maqan yihiin ayaa sidoo kale hantida ugu badan ku leh dawlad deegaanka soomaalida itoobiya iyagoo ilaa hadda ilaalinaya sharaftii iyo wanaaga ay isku hayaan bulshada somaalida ee labada dhinac ee ay kasoo jeedo Yasmine Abdulkadir Alshabani oo ah gabadh u dhalatay DDS.

Dhinaca Kale waxaa hore warbaahinta uga soo muuqday oo sheegay in cabashada gabadhaa kasoo jeeda dawlad deegaanka somaalida ay wax ka qaban doonaan hore u sheegay madaxda dhaqanka ee uu kasoo jeedo ama uu la dhiig baxo ninkan carabka ahi oo beelaha dega gobolka saaxil, balse taasi ma noqon mid ay ka rumeeyaan waxaana markii ay madaxdii dhaqanka ee dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia ay yimadeen hargeisa ay waayeen qoldaa hore ugu balan qaaday inay wax ka qabanayaan cabashadan.

 

Arrinta Khiyaanada ah ee garsoorka Somaliland indhaha ka qarsaday ayaa in ninkan gabadha dhacay uu adeegsaday magacyo kala duwan oo been abuur ah isagoo magciisa saxda ee documentska uu lacagta ku qaatay oo ah Sacad Sacid Alshaybani uu dafiray kaas oo sameystay kaadh dhalasho iyo baasaaboor Somaliland ah oo iska bedelay magacii loo yaqaanay ee rasmiga ahaa.

 

Si Kastaba ha ahaatee Shacabka Somaliland iyo kuwa Dawlad deegaanka Somaalida Ethiopia ayaa insha ku haya doorka uu ka qaato Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland dulmiga lagula kacay gabadhan ka soo jeeda dawlad deegaanka soomaalida.

La Soco Warbixino Taxane Oo Lagu Soo bandhigayo Tacadiga Loo gaystay Gabadhan iyo Cadaymaheeda……….

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker