Akhriso: Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka somalia oo Codsaday in La joojiyo Doorashada 2021

Muqdisho (OWN) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi & siyaasiyiinta ka soo jeeda dalka Somaliland .

Ayaa si wadajir ah u soo saaray Warsafaaxadeed ay uga hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Ugu horreyn xubnaha dhalashi ahaan ka soo Jeeda Somaliland ee soo saaray warqaddan ayaa ka soo horjeeday jadwalka ka soo baxay Gudiga lagu muransan yahay ee doorashada.

 

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in Guddiyadan ay dowladdu ku magacawday wadatashi la’aan, islamarkaana ay u badan yihiin shaqaalaha dowladda, ciidanka,

 

La taliyeyaasha iyo Taageerayaal, sidaas daraadeedna aysan wax sharciyad ah u heysan inay qabtaan Doorashada Xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in cida kaliya ee Awoodda u leh inay qabato Doorashadaas ay tahay Guddiga doorashada oo ku yimid wadatashiga, islamarkaana uu magacaabay guddoomiyaha golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

 

Ugu dambeyn waxaa qoraalka ka soo baxay Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland loogu baaqay madaxda maamul goboleedyada musharraxiinta, siyaasiyiinta iyo Ururada bulshada rayidka in la joojiyo qabashada doorashada,

 

illaa inta laga gaadhayo heshiis rasmi ah logu wajahayo hannaanka doorashooyinka ee dalka.

Baaqan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay guddiga weli lagu muransan yahay ee doorashooyinka uu soo saaray jadwalka doorashada ee xildhibaanada labada aqal.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker