Ururka Goboleedka IGAD oo Maanta Jabouti Kaga Arrinsanaya Kilaafka.u dhexeeya Somalia iyo Kenya

Maanta oo Axad ah 20 Dec 2020 ayaa lagu wadaa in dalka Jabuuti uu ka furmo Shir madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD

 

Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka mid yahay mas’uuliyiinta shirkan ka qeybgalaya.

 

Shirkan ayaa  si Guud loogu eegi doona Arrimaha Siyaasadda iyo xaalada dalalka ku midoobey IGAD gaar ahaan khilaafka Diblomaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya,

 

Xaaladda Gobolka Tigreey ee dalka Itoobiya iyo saamaynta Covid 19 ee wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyo shirka, waxaana ay kol hore dowladda Soomaaliya sheegtay in ay IGAD u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya.

 

Balse dowladda Kenya laftirkeeda ayaa sheegtay in ay IGAD hor geyn doonto ashtako ka dhan ah Soomaaliya, waxaana ay marar badan Kenya ku celcelisay in Dowladda Soomaaliya dusha ka saareyso eedeymo aysan laheyn.

 

Shirkan ayaa ugu danbeyntii laga soo saari doonaa war-murtiyeed soo koobaya Nuxurka wax-yaabihii lagu heshiiyay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker