Biden oo cambaareeyey fal Isra’il ku beegsatay shaqaale gargaarka oo caalami ah

Madxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareeyey weerar dhanka cirka ah oo ciidamada Isra’il ku dileen shaqaale safal oo u shaqeynayey hay’ad laga leeyahay Mareykanka oo la yiraahdo World Central Kitchen (Jikada Adduunka), taas oo hawlo quudin ah ka haysa marinka Qasa.

Todobo ruux oo u kala dhashay Mareykanka, Britain, Kanada, Australia iyo Poland ayaa Isniintii lagu diley duqeyn ay geysteen diyaaradaha Isra’il oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo marayey meel ka tirsan marinka Qasa. Waxaa sidoo kale weerarkaas ku geeriyoodey darawalkoodi oo u dhashay Falastiin.

Madxweyne Joe Biden ayaa si aan looga baran Israa’il canaan kala dul dhacay, wuxuuna ku eedeeyey in aysan xil ku filkan iska saarin bedbaadinta shaqaalaha gargaarka ee ku hawlan caawinta shacabk tabaaleysan. Biden ayaa Isra’il ka dalbaday in baritaan deg-deg ah lagu sameeyo falkaas, islamarkaana ciddii geysatay caddaaladda la hor keeno.

Dowladda Isr’il ayaa lagu khasbay in ay qirato falkan ay ciidamadeedu geysteen, kaas oo ay ku tilmaantay ‘gef weyn’ oo aan loo baahneyn in uu dhaco. Ra’isul Wasaare Benjmin Netenyahu ayaa dhacdadan ka hadlay ayaa ku andacoodey in ciidamadoodu si kama’ ah u dileen dad aan waxba galabsan, isagoo ballanqaaday in in uu sameynayo wax walbo oo lagu xaqiijinayo in falkaas oo kale dib u dhaco.

Tirda samefaleyaasha lagu diley Qasa tan iyo bishii Oktoober ee kal hore ayaa kor u dhaafaya 196,. Waxaana walaac laga muujinayaa bedqabka shaqaalaha gargarka oo bartilmaameed u noqday dilal aan loo aabbadayin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker