Musharax Joe Biden Oo Booqday Nin Madow Ah Oo Todobo Xabadood Lagu Tiriyay
Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ah ee Joe Biden ayaa qadka telefoonka kula hadlay Jacob Blake oo ah ninkii madowga ahaa ee ay booliska dhabarka kaga toogteen magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin taas oo horseedday dibadbaxyo ballaaran.
Mr Blake, oo isbitaalka yaala isagoo curyaan ah ayaa Joe Biden u sheegay inaanuu marnaba isdhiibii doonin hadii uu marlabaad cagigiisa ku socdo iyo haddii uu toos u curyaamamaba.
Biden ayaa ka hadlayay kulan ka dhacayay kaniisad ku taalla magaalada ay toogashada ka dhacay. Dhanka kale madaxweyne Donald Trump ayaa isna Talaadadii booqday magaalada Kenosha.
Dhinaca kale madaxweyne Trump lama aanuu kulmin qoyska Blake waxa uuna sababta ku sheegay iney doonayen in qareennada ay goobjoog ka ahaadaan boqashadiisa. Gobolka Wisconsin ayaa ah gobol aad muhiim ugu ah doorashada madaxtinimada ee Mareykanka.