Koofiyaddii Napoleon Bonaparte oo lagu iibinayo suuqa xaraashka ee Paris

Koofiyaddan oo uu xiran jiray Imbaradoor kii Napoleon Bonaparte markii uu xukumayay boqortooyadii Faransiiska qarnigii 19-aad ayaa maanta oo Axada lagu iibin doonaa suuqa xaraashka ee Paris.

Koofiyaddan madowga ah ayaa lagu qiimeeyay € 600,000 illaa € 800,000 (£ 525,850- £ 701,131).

Taariikhyahannada ayaa sheegaya in madaxa oo koofi lagu xidho ay kamid ahayd waxyaabaha lagu aqoonsan jiray Napoleon, waliba marka uu dhinac u xirto waxa laga fahmi jiray in uu dagaal ku jiro.

Illaa 120 koofiyaddood ayuu lahaa Napoleon, kuwaas oo 20 kamid ah la rumeysan yahay in meelo gaar ah lagu hayo.

Koofiyadda waxa kaloo lala iibinayaa alaabo kale oo lagu xusuusto Napoleon kuwaas oo uu ururiyay nin sanad kii hore dhintay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker