Dagaalka Sudan oo dib qarxay iyo diblomaasiyiinta oo la amray in laga daad gureeyo

Diblomaasiyiinta iyo muwaadiniinta u dhashay dalalka Mareykanka, UK, Faransiiska iyo Shiinaha ayaa lagu wadaa in laga soo daadgureeyo dalka Suudaan, iyadoo uu weli dagaalka ka socdo halkaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada Suudaan.

Madaxa ciidamada Fattah al-Burhan ayaa ogolaaday in la fududeeyo oo la sugo daadgureyntooda “saacadaha soo socda”, ayuu yiri.

War ka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay dalalka Britain, Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha lagu soo daadgureynayo diyaarado kuwa xamuulka qaada ah oo ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Taliyaha ciidanka Sudan Al-Burhan ayaa tacaalayaa loolan adag oo awoodeed oo uu kula jiro hoggaamiyaha kooxda ciidamada sida gaarka ah u taba baran ee Ciidanka Birmadka Degdegga ah oo ay iska soo horjeedaaan, . Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaallo todobaad socday oo ka dhacay guud ahaan dalka Sudan.

Qorshihii hore ee lagu daadgureeyn lahaa dadka ajnabiga ah ayaan la dhaqangelin cabsi dhanka badqabka awgeed ah. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay qabanqaabinayso daadgureynta muwaadiniinta Sacuudiga iyo muwaadiniinta “walalaha ah” ee ka imaanaya Suudaan.

Ciidanka Suudaan ayaa sidoo kale sheegay in ergadii dublamaasiyadeed ee Sucuudiga laga saaray.

Soomaaliya ayaa dhakeeda sheegtay inay soo daad gureysay arday dalkaas wax ku baranayey iyada oo saaka ay safaaradda Soomaaliya ee Sudan barteeda Facebook soo dhigtay, Mareeg ay ardadu iska diiwaan gelin karaan si looga badbaadiyo dagaalka.

Colaadda ayaa gashay todobaadkii labaad inkastoo labada dhinac -ciidamada iyo kuwa RSF- ay ku heshiiyeen xabbad joojin saddex maalmood ah oo lagu xusayo ciidaha Muslimiinta ee Ciidul Fidriga, laga bilaabo Jimcaha.

Garoonka caalamiga ah ee magaalada Khartoum ayaa loo xiray rabshadaha, iyadoo safaaradaha shisheeye – oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK – aysan awoodin inay muwaadiniintooda keenaan dalkooda.

Dagaal waddooyinka la isku eryanayo ayaa ka qarxay magaalada caasimadda ah ee Khartoum, 15-kii Abriil kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya hoggaamiyeyaasha labada dhinac – General Burhaan iyo RSF-ta Mohamed Hamdan “Hemedti” Dagalka – oo ku saabsan sidii Suudaan loo maamuli lahaa.

Labaduba waxay jagooyin sare ka soo qabteen dawladda milatariga ah ee Suudaan ee hadda jirta, taas oo la dhisay ka dib afgambigii 2019 ee xukunka lagaga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer xukumayey dalkaas Cumar Al-Bashiir.

Waxay ahayd in ay ciidamadooda isku daraan balse RSF-ta ayaa is-hortaag ku sameysay isbeddelkan, iyagoo soo abaabulay ciidamadooda taasoo isu beddeshay dagaal toos ah todobaadkii hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker