Maxay ka dhigan tahay jabka TPLF? Maxayse ka dhigan tahay guusha Abiye Ahmed?

Jawaabta hore way iska cadahay. Dawladdii Tigreega waxay ahayd Jabhad manaxaan ah oo wax qaanuun ah oo qabtaa jirin haba yaraatee. Taasi waxay keentay in ay qaataan mashaariic fara badan oo ay ka mid ahayd mashruucii War & Terror gacmahooda iyo jeelashooda dalka Maraykanka iyo Yurub ay u isticmaaleen in wax lagu ciqaabo.
Waxaa ka mid ahaa Mashruucii kaas dabada ku hayey ee Somaliya iyo tacadiyaddii ay ka gaysteen Muqdisho. Waxay dhadhan siiyeen qoomiyadaha Ethiopia ciqaab kii ugu xumaa. Waxay keeneen Ina Cabdi Iley oo Somali hilibkeeda wadhay una samaystay jeel Ogaadeen iyo Liyuu Police asn wax qanuuni qaban. Oromo iyo Axmaaro iyagana waxay ku dhigeen lagama sheekayn karo. Maamul goboleedada Somaliya iyo Somaliland meesha looga yeedho ee amarada laga soo siiyo gaar ahaan dawladii Riyaale ( Ambassador Cawil, Warancade, Wasiir Ciro, Ismaaciil Yare IWM) waxay ahayd Xaruntii Tigreega ee Adisababa.
Jawaabta koowaad waxay jabkoodu ka dhigan yahay dhegdheer dhimatoo dhulkii nabad. Ilaahay ayaa ka aargoostay. Waxay isugu urureen Maqalle oo ay ku ururiyeen xoolihii ay dhaceen 27 sano iyo jabhaddii nafaha dadka gooyn jirtey oo markooda wadkii raadinayo. Ilaahay ayaa ku balan qaaday qofka gaysta dil aan xaq ahayn in isagana la dilo ama ha hadheeraato ama ha dhawaato.
Jawaabta labaad oo ah waxay ka dhigan tahay guusha Abiye Ahmed, waxaa soo baxaya isbahaysi cusub oo hore jiray laakiin dagaalka Tigrey wuu siiyey awood cusub. Isbahaysigaas waa dawlada Ethiopia, Eriteria, Djabouti, Dawladda Federaalka Somaliya gaar ahaan Farmajo iyo ciddii badasha.
Waxaa guushaa xalay ay ku tahay talaabo aan tognayn Mucaaridka Farmaajo iyo Kenya oo danaheeda ka dhex aragta arinta badda Soomaaliya darteed. Waxay kale oo caqabad weyn ku tahay aqooni raadiskii Somaliland waayo Abiye Ahmed wuxuu noqonayaa hogaamiyaha IGAD, hogaamiyaha Afrikada Bari islamarkaana Adisababa was xarunta African Union oo ah meesha laga hogaamiyo isbedelada ka dhacaya Africa.
Maxay kula tahay adiga???
Aswad Baarcad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker