Xasan Shiikh oo gaadhay Nairobi, kulamana la leh Madaxda sare ee Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, casuumaad uu ka helay dhiggiisa Uhura Kenyata.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Juma Kenyatta ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamuud Tarsan.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo la xiriira sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker