CIIDAMADA BADDA EE ETHIOPIA WAXAY IMANAYAAN DJIBOUTI IYO SOMALILAND.

Waxaynu ka wada dheregsannay inay ETHIOPIA soo celinayso CIIDAMADEEDII BADDA EE XOOGGA WEYNAA.

ETHIOPIA Madaxweynaheeda Abbie Ahmed ee siyaasaddiisa xeesha dheer waxay  dunida u soo bandhigtay oo Dawladaha waaweyn EE Faransiiska, ingiriiska iyo Maraykanka iyo Dawladaha waaweyn GEESKA Afrikaba ee Sudan, Eritrea, Somalia iyo Kenyaba in  ay hadday soo celiso Ciidankeedii badda in manadaqadda geeska Afrika ay cid waliba helayso (WIN WIN) oo barwaaqo baayac Mushtari iyo mid nabad gelyo ay ka dhalindoonto xagga BADDA aad u dheer ee mandaqadda geeska Afrika oo ah mid aanay lahayn ETHIOPIA mooyee cid kale  Horuumar Baaya mushtari iyo ilaalin nabad gelyo xagga xoolaha BADDA soo maraya waana runteed oo awoodda qudha EE geeska Afrika DHAQAALE iyo CIIDAMADA cidda helaysaa waa ETHIOPIA weliba waa dawladda qudha EE dawladaha waaweyni Bari iyo galbeed ay  ku kalsoon yihiin laakiin  mushkiladda ETHIOPIA haystaa EE qudhi ay tahay waa (LANDLOCK) waa wadan quwad ah oo aan badd uu adduunka wax kula qabasado lahayn.  Abbie Ahmed waa nin xeeldheere aragti dheer wuxuu goaan ku gaadhay inuu Eritrea dhulka yar EE dadkuna tegrayga yahay Eritrea yiinta ah uu uceliyo iyaguna baddii u ogolaadaan. Arinkaa waa kuwii isku afgartay.  Waxaa kalee jira markasta oo aragtaan shir Madaxweynaha Somalia(Farmaajo) iyo Abbie Ahmed Iyo Madaxweynaha Eritrea ay shir isugu yimmaaddaan ogaada WAXA LAGA WADA HADLAYAA WAXAY KU KOOBANYIHIIN WAA BADDA GEESKA Afrika iyo sidii Dekedo ay ilaalinayaan Ciidabada BADDA EE ETHIOPIA EE LA DHISIDOONA waayo baddaasi waa 27000 miles square . Mashruucaa dhisidda CIIDAMADA BADDA EE ETHIOPIA  WUXUU  FARANSIISKU KU DHAWAAQAY INAY KU MAALGELIBAYAAN 2.8 BILLION DOLLARS, DAWLADII KALENA WAY SOO SOCDAAN MAALGELINTOODII WAA CID WALIBA BAAYAC MUSHTARIGA AFRIKA KAGA BILAWMI DOONA GEESKA AFRIKA EE ETHIOPIA BADDA ILAALINTEEDA LA WAREEGI DOONTO AYUU USOO WEEL SAMAYSANAYAA.
Talaabadani waa talaabo iyo khidad abbie Ahmed hirgelinteeeda adduunka u soo bandhigay oo reer galbeedka laabta u sii daayey  oo ay ogolaadeen, wixii noble price ka lagu siiyey Abbie Ahmed dadku waxay Moodayaan inay ku koobnayd heshiiskii ETHIOPIA iyo Eritrea,  dhulka yar EE Qoomiyadda Tegrayga dameeraa wataa ku noolyihiin wax micno ah uguma fadhiyo dawladaha reer Galbeedka EE Baayac mushtariga iyo nabadgelyada ka BILAABMAYSA BADDA geeska Afrika ee xoolahooda suuqyo cusub u horseedaysa ayey ujeedada noble price ka Abbie Ahmed tahay.
Hadaba inagu reer SOMALILAND ahaan oon arintaa wax shaqo ah ku lahayn badda ugu muhiimsan EE ETHIOPIA u dhaw EE isha lagu hayaa waa badda SOMALILAND siyaasadda Xukuumadda  SOMALILAND aad bay uga maqantay arimahaa oo waxaynu is eryanaynaaba waa xaabaalihii reer reer iyo XILDHIBAAN xamar jooga.  Siyaasadda badda marka Ciidamo ETHIOPIA ah iyo hub baddaada la dhoobo waa in aad cidamada marine ka ee SOMALILAND ee lasheegaa halkay kala falgelayaan arinkana Farmaajo  iyo abbie ayaa soo diyaarinaya. SOMALILAND waxaa la gudboon REFORM HOR LEH  IYO DISTOOR LA FURO IYO XUKUUMAD REER SOMALILAND WADA LEEDAHAY LA SAMEEYO OO IMIKA LALA JAANQAADO HADDII KALE MARKA TEGRAYGA LAGA SOO JEESTO MAAMULKA LABAAD EE  FALAAGADA AHI WUXUU NOQODOONAA SOMALILAND OO AY WADA QABTAAN ETHIOPIA, ERITREA  IYO SOMALIA IYO CAALAMKOO HOOSTA KALA SOCDA WAAYO WAA IN LA GAADHAA NOBLE PRICEKII ABBIE AHMED UJEEDADII LAGA LAHAA.
HA BEENAYSAN WARKAN.
M BASHE
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker