Oodweyne News - Latest Somali News Update

MD Dr. Aadan Yuusuf Abokor: Hoggaamiye bulsho oo ku dayasho mudan

Barmaamij qiime badan ay soo wada diyaariyeen Star TV iyo Maxadka Cilmibaadhista Nabadda ee Oslo (Peace Research Institute Oslo, ‘PRIO’) ee magaalada Oslo, dalka Norway, oo ah taxane ka hadlaya taariikhda kooxdii UFO, ayay qaybtiisa kowaad gaar ugu saabsan tahay Dr. Aadan Yuusuf Abokor. Hirgeliyeyaasha barmaamijka ayaa i waydiiyey in aan wax ka idhaahdo shaqsiyadda Dr. Aadan. Horeba waxa aan u mahadcelinayaa Star TV iyo Cilmibaadheyaasha PRIO ee mashruucan qiimaha leh dejiyey.

Dr. Adan qofnimadiisa iyo taariikhdiisa qofka la yidhi wax ka sheeg, waa qof la yidhi wax ka sheeg taariikhdii Somaliland iyo dedaalkii loo soo maray ahaanshaha jiritaanka iyo ummadnimo ee maanta.
Sannadihii 1981-82kii ayaa magaalada Hargeysa lagu xidhxidhay, oo lagu xukumay dil iyo xabsi dheer, kooxdii dhallinyarada ahayd ee loo yaqaanay UFO. Kolkii danbe waxa loogu beddeley dilkii xadhig ah 30 sannadood. Xadhigaas UFO waa dhinbiishii dabka qabadsiisay halgankii iskacaabbinta ee horraantii siddeetameeyada ee qarnigii tagay ka bilaabmay Somaliland. Dabkaasina waxa uu ka kacay doonitaanka dhabta ah in adeegyada bulshada oo ay ugu horreeyaan ka caafimaadka iyo ka waxbarashada wax laga qabto. Dr. Aadan Yuusuf Abokor waxa uu ahaa markaa dhakhtar, ahna Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa, isaga ayaana isugu yeedhay dhallinyaradii kale ee la faca ahaa, oo kala tashaday sidii Cusbitaalka wax loogu qaban lahaa. Waxa cad markaaba halka ay wax ka bilaabmeen inuu hoggaankeeda ka mid ahaa.
Kooxda UFO waxa lagu xidhay jeelkii Labaatan-Jirow oo ku yaallay geerigo’an cidla ah, oo Gobolka Baay ah. Jeelkaas oo uu Jarmalka Bari u

dhisey dawladdii milleteriga ahayd, waxa uu ahaa meel ciqaab ifka ah loogu talo galay, jidh iyo maskax dilna u samaysan. Waxa jeelkaa soo maray dadka u xidhan siyaasadda iyo iscabbirka fikirkooda oo aanu kolkaa milleterigu midna raalli ka ahayn. Qof waliba waxa uu ku jiray qol yar oo 2x2m ah, oo aanu weligii xidhiidh aragti ah, iyo mid hadal ah toona, la lahayn kan kale ee godka ku xiga ku jira. Xilligaa adag ayuu Yuusuf Gaydh oo ka mid ahaa kooxda xidhxidhani sameeyey sanqadh gidaar garaac ah, oo sida dhiidhaada ah, oo ay sir ahaan ku xidhiidhaan, warkana isku waydaarsadaan.
Xilkasnimadii dhakhtarnimo ee Dr. Aadan kuma ay ekeyn xilligii uu Cisbitaalka Guud madaxa ka ahaa, ka hor intii aan la xidhin. Kolkaa ay godka ku jireen ee gidaarka ay wadaagayeen qolalka cidlada ah maxaabiista kale, Dr. Aadan waxa uu ku daweeyey saaxibbadii, gaar ahaan Maxamed Baaruud Cali, cilmi nafsi, waxana uu buuggii Anna Karenina ee Leo Tolstoy oo ka badan 800 oo bog, uga akhriyaya isaga oo gidaarka garaacaya, oo codkoodaa sirta dhiidhaada ahaa ugu gudbinaya. Sida Maxamed ba sheegay, taasi waxa ay ka dawaysay Dr Aadan saaxiibadii muragidii, wahabkii iyo cucubkii xabsiga lagu jirrabay waqtiga dheer.

Kolkii isaga iyo saaxiibadii ay mutaysteen waxaa ay xaqdarrada ku muteysteen, ee la soo daayay 1989kiina, Dr. Aadan wuxuu ahaa qoladii fursadda u heshay inay debedda u baxaan, degaan Yurub ama Maraykan, wuxuu se ka door bidey in uu soo noqdo oo uu halkii uu dabkii hore ku bakhtiyey, oo uu mid kale ka bilaabo. Adeeggii xilligii debedyaalka lagu ahaa Itoobiya ka dib, kolkii dalka lagu soo noqdey 1990kii, waxa Dr. Aadan markiiba ugu xigey asaaskii ururkii samafalka iyo dibudejinta ee Somali Relief and Rehabilitation Association (SORRA). SORRA, iyada iyo SOMRA, waxa ay ahaayeen hay’adihii aan dawliga ahayn ee dalka samafalka dhabta ah ka bilaabay. SORRA waxa ay cunto u qaybisey dadkii tabaalaysnaa, magaalada Hargeysa oo aad u burbursan oo miinadu ku aasantahay dhammaanteed, xashiishkuna goob kasta tuulan yahay, SORRA waxa ay mar kale nadiifisey dariiqyadii magaalada.

Kolkii xumaantu dhacday, 1993-94kii, ee dadku kala jabay, ee dagaallada sokeeye la galay, Dr. Aadan waxa uu ahaa hormuudkii ka badheedhay ee isaga tallaabayay labada daamood ee Hargeysa, una kacay si ummaddan caqliga Ilaahay mar uun ugu soo celiyo.
Dadkuse waxa ay inta badan aanay ogayn ururrada aan dawliga ahayn, ha noqdeen dalladaha dhallinyarada iyo ururrada kale ee bulshada, aasaaskooda badankooda, in uu Dr. Adan u ahaa, walina u yahay, laf dhabar.

Dr. Aadan Yuusuf Abokor maanta waa waayeel, samotalis ah, waayo-arag ah oo lagala tashado kol kasta oo ay timaaddo arrin qarankan dani ugu jirto oo muhim ahi. Aniga gaar ahaan waa ii macallin aan ka talo qaato, wayna yar yihiin go’aammada bulsho ee aan qayb ka noqdaa, oo aanan kala tashan, amase aanu ka ahayn gadhwadeen. Waxa shaqooyinkaas ugu danbeeya Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, labadana Dr. Aadan waxa uu ka mid yahay waayeelkooda iyo wadayaashooda.

Dr. Adan aqoon jacaylkiisa iyo akhris ogaalksiisa, waxa uu ka soo jeedaa kortaankiisii uu ku korey marsadii caanka ahay ee Cadan ee Koonfurta Yaman, dugsiga sarena ka burtay 1963-64, iyo waxbarashadii Jaamacadda Warsow ee Caasimadda dalka Poland dabayaaqadii lixdamaadkii. Waxa u maragfur ah sida uu si siman wax ugu akhristo, uguna hadlo, afafka Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisida iyo Boolishka.

Ugu danbayn Dr. Aadan Yuusuf Abokor dad la dhaqankiisa iyo ummad isku hayntiisa waxa sal u ahaa ilaa yaraantiisii, walina u ah, laabxaadhnimo iyo kaftandhableh sumad u ah shaqsiyaddiisa wanaagsan ee samadoonka ah.

Waxa aan ilaahay uga rajaynayaa cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suubban. Noolow.

 

 

Dr. Jama Musse Jama,
London. 9 December 2018