Dilkii Siyaad Bare Ku Fuliyey Wadaadadii Somaliyeed Ee Ka Horyimi Xeerkii Qoyska Ee ku Salaysnaa Mabaadidii Shuuciga ( 1975)

Dilkii Siyaad Bare Ku Fuliyey Wadaadadii Somaliyeed Ee Ka Horyimi Xeerkii Qoyska Ee ku Salaysnaa Mabaadidii Shuuciga ( 1975)
Subject: Dilkii Siyaad Bare Ku Fuliyey Wadaadadii Somaliyeed Ee Ka Horyimi Xeerkii Qoyska Ee ku Salaysnaa Mabaadidii Shuuciga ( 1975)
Subject: Dilkii Siyaad Bare Ku Fuliyey Wadaadadii Somaliyeed Ee Ka Horyimi Xeerkii Qoyska Ee ku Salaysnaa Mabaadidii Shuuciga ( 1975)
Inline image

Dilkii Siyaad Bare Ku Fuliyey Wadaadadii Somaliyeed Ee Ka Horyimi Xeerkii Qoyska Ee ku Salaysnaa Mabaadidii Shuuciga ( 1975)
Taariikhdu waxbay hagtaa dadkuna wuu habiyaa…..11dii January 1975: Dawladii kacaanka ee Siad Barre waxay soo saartayy Qaanuun loogu magac daray sharciga Xeerka Qoyska,Dadweynuhuna u bixiyeen ( Hooga Qoyska)
12dii Jan 1975: Siad Barre wuxuu Khudbad ka jeediyey Garoonka labaad ee Muqdisho ( Stadio Cons ) oo ahayd Munaasibad ku saabsanayd Maalinta Haweenka.waxaana ka raacay fadeexad markuu laaley Xeerkii Islaamka ee Xeerinaayey Guurka, Furniinka iyo Dhaxalka wuxuuna ku badalay in Haweenku la simanyihiin lana xuquuq yihiin Ragga iyo wixii xuquuqa ee Madani ah isagoo waliba xadeeyey Haweenka badan ee la guursanayo wuxuuna tirtiray Sharcigii Fiqiga ahaa ee Maxkabadaha Dalka lagaga Dhaqmaayey ilaa aamanuuntii & Aayadihii Quraanka ee ka hadlaayey Dhaxalka iyo Guurka oo loo fasirey in Haweenka la Dulmay taas oo ka soo horjeeda Diinta Islamka.
13dii Jan 1975: wuxuu la shirey Garsoorayashii Maxkabadaha Dalka wuxuuna u sheegay in goáanka Daryeelka Qoyska Somaliyeed laguna dhaqmo.waxaana ka Biyo diiday Culumo badan oo dhegna jalaq u siin waayey waxayna uga jawaabeen si kulul oo cadho ku dheehantahay waxayna culumadu bilowday Maxaadarrooyin iyo kullamo lagu nacladeynayo oo ay ku qabteen masaajidyada.
16-17dii Jan 1975: waxaa dhamaan masaajidada waaweeyn ee Muqdisho lagu soo firdhiyey Boqolaal ka tirsan Ciidanka Nabad Suggida Somaliyeed ( NSS ) si ay u dhagaystaan Tafsiirka la akhriyaayo gaar ahaan masjidka Arbaca Rukun oo Cashar ku saabsan sinaanta Ragga iyo Dumarku uu ka socday una qabtaan Culimada hormoodka ka ah. isla maalintaas waxay qabteeen 35 Wadaad laguna eedeyey gacansaar inay la leeyihiin Ururo Carbeed oo Qowlaysato ah isla markaana Dhaqaale iyo tababaro ka helaan Wadamo Carbeed sida Saudi Arabia.
18-19kii Jan1975: Wadaadan waxaa la qaadey Dacwadoodii iyadoo loo raadinayo sababo culus oo loo waafajinayo Xukunkooda
19kii Jan 1975 waxaa la xukumay wadaadadii iyagoo lagu kala xukumay dil iyo xabsiyo kala duwan waxaana loo xukumay sidan
23dii Jan 1975:10 Wadaad waxaa lagu Xukumay dil toogasho ah waxaana lagu toogtay Dugsiga Booliska 10:00kii subaxnimo waxaana daawasho looga kal yimid Goloyaasha Dawlada & Ciidanka qaybihiisa kala duwan iyo Dhamaan G/Banadir waxaana dul heehaabayey oo la soo kiciyey labo Diyaaradood oo ah nooca dagaalka si Dadweynaha loo cabsiyo galiyo markii ay dulmaraayeen Xaafada Waaberi labadii Diyaaradood wey isku Dhaceen Waxaana ku naf waayey 52 qof oo rayida.Illahay ha u naxariiste iyaga iyo Wadaadadii la toogtay oo kala ahaa sidan
1.Sheekh Axmed Sheekh Maxamed
2.Sheekh Cali Xasan Warsame
3.Sheekh Cabsiiye Diiriye
4.Sheekh Cusman Jaamac
5.Sheekh Maxamud saciid Xersi
6.Sheekh Cali Jaamac Xersi
7.Sheekh Aadan Cali Xersi
8.Sheekh Yasiin Cilmi Cawil
9.Sheekh Axmed Liiban
10.Sheekh Muuse Yuusuf
6 Wadaadan hoos ku qoran waxaa lagu xukumay 30 sanno oo xadhig ah waxayna kala ahaayeen sidan
1.Sheekh Aadan Nuur Cilmi Cali
2.Sheekh Maxamed Samatar Cali
3.Sheekh Cabdi salad Cabdullaahi
4.Sheekh Xersi Xuseen
5.Sheekh Aadn Cabdullahi
6.Sheekh Xasan Barre
17 Wadaadadan kale iyana waxaa lagu xukumay 20 Sanno oo xadhiga waxayna kala ahaayeen sidan.
1. Sheekh. Axmed Mxamed Cusman
2. Sh.Cabdi Cali C/rahmaan
3. Sh.cabdi Cabdullahi
4. Sh.Maxamed Maxamud Weheliye
5. Sh.Axmed Cali Yusuf
6. Sh.Shariif Maxamed Yusuf
7. Sh. cabdullahi Faarax Cigaal
8. Sh.Macallim Xasan macallim C/rahmaan
9. Sh.yacquub Maxamed macallim
10.Sh Macallim Cabaas Muse Faarax
11.Sh Bashiir Sheekh Maxamed
12.Sh.Cali Mursal Maxamed
13.Sh.Cumar sSheekh Cali
14.Sh.Abuubakar Xasan
15.Sh.maxamed Abdi
16.Sh.Ismaaciil Xasan Aaden
17.Sh.Xasan Cawaale
Culimadan la laayey waxay si toos ah ugu horyimaadeen sharicigii shuuciya ee uu gacan-ku-dhiigle Siyaad Bare dalka ku Xukumaayey.
By: Osman Abdillahi Sool….. Freelance journalist. soolfuaad@yahoo.com
Inline image

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker