Dawladda Kenya Ballan qaaday inay Somalida u Fududaynayso Dalku Galkeeda

Nairobi (OWN) -Kadib Booqasho uu Soomaaliya ku yimid xoghayaha wasaaradda arrimaha Debedda dalka Kenya Macharia Kamau ayuu ku   Sheegay  in dowladiisu  ay ka shaqeynayso sidii dadka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa Fiisaha dal ku galkeeda.

Macharia Kamau ayaa shaaciyey inay muhiimaddu tahay in la horumariyo isku socodka iyo xidhiidhka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

 

 

Xoghayaha oo tusaale u soo qaatay dalalka Uganda, Djobouti, Ethiopia iyo Turkey_ga oo Diyaaradahooda duulimaadyo joogto ah ku yimaadaan Soomaaliya ayaa xusay inay muhiim tahay inay tixgeliyaan ahmiyada iyo xidhiishka ka dhexeeya Soomaaliya.

 

 

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday socdaalkii uu dhowaan ku Tegay magaalada Muqdisho oo uu ka bixiyey faah faahin kooban,

 

Wuxuuna yidhi “Waxaan u safray Soomaaliya aniga iyo wafdi kooban oo ka socda wasaarada arimaha dibada oo ay ka mid yihiin Agaasimaha waaxda shaqaalaha iyo maaraynta iyo khubaro kale si aan u eego xaalada kooxdeena diblomaasiyadeed ee Soomaaliya,”

 

 

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in labada dowladood iyo labada shacab aysan kala maarmin, islamarkaana illaa 35,000 Kenyan ah ay ku nool yihiin gudaha Soomaaliya halka nus malyuun Soomaali ah ay sidoo kale degan yihiin gudaha dalka Kenya.

 

 

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid hooseeyo, iyada oo ay Soomaaliya hakisay qaadki faraha badnaa ee uga imaan jiray Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker