MAANSO : HA KA DHAWRIN

KU CELIS

 

Immikana waa maansadii . haka dhawrin .

 

Haka dhawrin kii dhagar iyo xumaan

Dhiilka lagu siiyay

Haka dhawrin kii uu ka dhacay

 dhego inuu siiyo

haka dhawrin dhagar qabe inuu

dhamal walaaleeyo

ha ka dhawrin dhagar qabe inuu

dhereg horseedaayo

haka dhawrin dhabbadii umaray

oo dhac iyo booba

haka dhawrin dhigood mooyiyee

samo inuu dhaado

haka dhawrin kii dhaawac baday

dhayma inu saaro

ha dhursugina jeegaan dhigii

inu dhammays beero

.

Hadhur sugina dhahar kuu wax baray

Inu wax dhaamaayo

Ha dhursugina dhinac kii ka raray

Dheeli inu baajo

Ha dhursugina dharaaraha kan maqan

Maamul khayr dhaliya

Ha dhursugina dhiciskani inuu

Orodka dheereeyo

Ha dhursugina ayaxaa dhirtiyo

Diirtan dhilanaysa

Haka dhawrin inuu waan dhergiyo

Qaranka dhawraayo

.

Kan dhiiraday dhibaatiyo xumaan

Dhoonbir ucabbaystay

Haku dhololin waxaan dhuun cas hayn

Inuu ku dhaafaayo

.

Halla dhiciyo maantay dhawdee

Dhuugu yuu cunine

Halla dhiciyo dhawr iyo toban horay

Dhaqayadaa hayed

Halla dhiciyo dhabbii ugu xumaa

Yay ku dhila yaane

Halla dhiciyo dhafoor kaa engegay

Dhaashi wuu heliye

Halla dhiciyo kii usoo dhintaw

Xaajo waa dhabaqe

Halla dhiciyo faqash kula dhashaa

Qubaya dhiil kiiye

Halla dhiciyo dhabbaan u hadla yaa

Ma aha dheel dheele

.

Dhukus iyo qarsoodiyo ma hayn

Dhuumashiyo hoose

Waa dharaar cad tiilagu shubtay

Boqol kun dhaafeene

Waa dharaar cad tii 10 jirkuna

Dhiiba yeen codade

Waa dharaar cad inay ciidamadu

Dhina ahaayeene

Daarahan dhalaaliyo intaa

Fooqyo wada dhooban

Xaaraanta lagu wada dhistiyo

Qaranka dhiigiisa

Malaayiinka kaa baan dhigtee

Nabadda dhawraynin

Ee isagu dhirbaaxiyo intaa

Feedh ku dhololaaya

Dhab xumaanta uu doonayana

Wuu usoo dhici

.

Dhadhamaba midaan hayninoo

Tiisi laga dhaarshay

Oo isagi is dhuubaa ya ooy

Ceebna dhaxal siisay

Khasabbuu dhegaa uga furayn

Dhawro nabadaase

Khasabbuu rasaastaw la dhici

Kii dalbaday dheele

Khasabbay dhacdada lagu rogmado

Dhayalsadii taaban

.

Alla kama dhigee waw egtahay

Dhibicdi weynayde

Alla kama dhigee waw egtahay

Duhur dhaqaaqiiye

Alla kama dhigee waw egtahay

Dhira uwaab kiiye

Alla kama dhigee waw egtahay

Dhooba xagad kiiye

.

Aflahaar shaxdii uu dhigee

Dhabarka naafaysay

In reer diini keligii dhurtuu

Dhoof kusoo helaye

Alla kama dhigee waw egtahay

Dhaantaduu tumaye

Aakhirkana godkii uu ku dhacay

Waa ka dhergteene.

 

CURIYE .guuleed liibaan snm 1710@live com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker