10 Calaamadood oo kuu tilmaamaya inaad ka xaalad wanaagsan tahay sida aad mooddo

1. Waad nooshahay

2. Waxaad awood u leedahay inaad dibadda u baxdo oo aad soo daawato bilicda iyo abuurta Eebbe.

3. Waxaad maqli kartaa codadka shimbiraha dhawaaqa san.

4. Xalay gaajo kumaadan seexan.

5. Guri saqaf leh baad kasoo toostay.

6. Waxaad xidhatay dhar aan lagugu qasbin oo aad adigu doorashadaada ku xidhatay.

7. Waxaad ka fekeraysaa mustaqbalkaaga, kan reerkaaga iyo tallaabooyinkii aad ku wanaajin lahayd, taasina macnaheedu waxa weeye inaad leedahay han, hiigsi, rabitaan iyo doorasho aad ku go’aamin karto mustaqbalkaaga nooca uu u eekaan karo.

8. Waxaad leedahay xigto, xigaal iyo saaxiibbo ku jecel oo xiisa u qaba in aad maalin uun nolosha ku kulantaan.

9. Waxbaad akhrin kartaa.

10. Eebbe ku jecel baad leedahay.

 

 

WQ: Mubarak Maxamuud Saleebaan “Mubarak Hadi”

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker