Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Laga Helay Covid-19, kana Hadlay Xaaladiisa Caafimaad

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay kadib markii laga helay xannuunka safmarka ah ee Covid-19.

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ku sugan dalka Filand, ayaa xusay in tallada dhakhaatiirtu siiyeen uu qaadanayo, islamarkaana toddoba maalmood oo xakameyn ah uu ku jiri doono, haddana caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

 

Guddoomiyaha Cirro oo barta uu ku leeyahay  xidhiidhka bulshada ee Facebook, soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga hadlayo caafimaadkiisa iyo xannuunka safmareenka ah ee laga helay ayaa yidhi. “Mahad oo dhammi ILLAAHEY ayay u sugnaatay, maanta (shalay) waxa la iga helay xannuunka safmareenka ah ee  Covid-19,  baadhis kaddib waxa aan ku jiri doonaa karantiin-iskay ah oo toddoba maalmood ah sida dhakhtarku ku taliyey, Caafimaadkayguna aad buu u fiican yahay”

 

Xannuunkan safmarka ah ayaa dunidda mar labaad soo laba kacleeyay, dalal badanina ay tallaabooyin hor leh qaadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker