Reer Oodweyne Soo Dhoweynta iyo Mart-soorku Waa Astaanta GOBANIMADDA iyo IL-BAXNIMADDA Ee Ay Dheer Yihiin Filkood.

“Reer Daad-madheedh Uma Baahna Buuq iyo Hadal Madhane Ee Wax-qabadkii Ay Xaq U Lahaayeen Ayey Rabaan”.
Oodweyne waa xaruuntii Gobolka: Daad-madheedh. Inuu Muuse booqdo oo lagu soo dhoweeyo waa Sharefta iyo GOBANIMO ay filkood dheer yihiin Reer Daad-madheedh, Hadduu booqday Madaxweynuhu waa mid uu xaq u leeyahay oo wuxuuna tagay waa Gobol Dalkiisa ka mid ah. Waana mid uu xaq u leeyahay. Siduu Cabdiraxmaan Cirro-ba hadduu Madaxweyne hadda dalka ka ahaan lahaa u tagi lahaa Gabiley.
Waa wax lagu Faraxo inuu booqdo oo lagu soo dhoweeyo Muuse Biix Oodweyne. Lkn soo dhowayntaa waxa looga Baahan Yahay Madaxweyaha inuu qiimaynteeda la yimaado uu uu geeyo Wax-qabad la taaban karo iyo mashaariicdii uu Gobol Ahaan Daad-madheedh xaq u lahaa.
Dood baraha Bulshadda ee media-yaha ku dhexmaraya taageerayaasha Asxaabta Siyaasadda dalka oo siyaabo kala duwan u arka Booqashadda iyo soo dhoweynta Madaxweyaha ee Gobolka Daad-madheedh, ayaa fikiriyan u arkaa inay kala duwan tahay soo dhoweynta iyo marka la gaadho Wakhtiga Tartanka Xisbiyadda ee Doorashooyinka. Markaa laga hadlayo tan Xisbiyadda iyo codka, waa la garanayaa Xisbiga iska leh codka Reer Oodweyne. Ninkii ragina wuu garanayaa Doqonna loo-ba sheegi maayo.
Si kastaba ha ahaatee Oodweyne uma baahna buuq iyo hadal madhane ee waxay u baahan yihiin waa Wax-qabad dhamaystiran.
Reer Daad-madheedh waa dad Il-bax ah oo Marti soorka ku Wanaagsan, waana Astaanta u gaar ah Oodweyne. Lkn si fiican ayey u Yaqaanaan cida codkooda leh.
GUUL iyo GOBANIMO
Reer Daad-madheedh.
Khaddar Ali Khum

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker