Masiibadii Ugu Xumayd oo Haleeshay Hooyo Soomaaliyeed

Hooyo ka Cudur Daarratay in mageceeda lagu Xusso warbixintan ayaa ah Mid ay Masiibo qabsatay .

Waxay ku nooshahay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya balse markeedii hore waxay ka timid gobalka Hiiraan ee Soomaaliya sida ay noo sheegtay kadib markii aan ku booqanay gurigeeda oo ku yaalo Xaafad katirsan Muqdisho.

Hooyo Ruqiyo Xasan oo aanu Mageceedani sax ahayn sababo dhanka amnigeeda ah , waxa uu Alle siiyay 4 Caruur ah oo isugu jira 3 Wiil iyo hal gabadh balse maanta midna ugama noola carruurtaas waxayna dhamaantood ku baxeen gacanta Al-Shabaab.

Wiilkeedii ugu horreeyay ee Curudka ahaa waxay ku wayday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen arday deeq waxbarasho u doonatay Dowladda Soomaaliya sanadkii 2011. Weerarkaas waxa uu ka dhacay dhismaha Xarunta Harkaha iyo Saamaha, 4-tii October ee 2011.

Marxuumka oo aan magaciisa qarinay ayaa ka tirsanaa Arday dhamaystay waxbarashada dugsiga sare oo rajo ka qabay inuu guul gaadhsiiyo qoyskiisa oo sabool ah, sidoo kalane agoon ah. Nasiib darro rajadii wiilka iyo hamigii hooyo halkaas ayey ku bur bureen.

Hooyo Ruqiyo murugada iyo Xanuunka halkaas ugama dhamaanin hadane waxay wiil kale oo kaa hore dhinaca qoyska ka yaraa ay ku wayday Qaraxii Zoobe isagoo caawiye ka ahaa goob shaqo oo halkaasi ku taallo. Ma aysan arkin meydka wiilkeeda waxa uuna katirsanaa dad badan oo la waayay, balse waxay aamintay in uu dhintay.

Waxay aheyd waayo xanuun badan oo soo maray iyo laba garab oo muhiim ah oo ka baxay. Waxaa u bilaawday nolal mugdi ah oo aad u liidato balse rajada Alle kama aysan quusan waxayna Alle ka biraday guul iyo garab.

Hooyo Ruqiyo waxay sidoo kale weerar kale oo ka dhacay Saldhigga Waabari ee Magaaladda Xamar ku wayday Gabadhii keli ahayd ee ay dhashay waxaana haleelay Qarax iyadoo saaran gaadhi Caasi ah oo halkaasi marayay. Dhaawac daran oo soo gaadhay Gabadha ayey markii dambe u geeriyootay.

Wiilkeedii ugu dambeeyay oo Bajaajle ah ayey Hooyo Ruqiyo ku wayday weerarkii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab ku soo qaadeen Barta Kontaroolka ee Sayidka lagana ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ma jirto murugo ka wayn iyo xanuun ka daran in 4-tii Canug ee Alle ku siiyay maalinba mid soo aasto islamarkaana aadnan garaneyn sababta lagaaga dilay. Sidoo kalane aanad qabsan karin qofkii kaa dilay.

Al-Shabaab oo ah koox ka been sheegta Diinta Islaamka ayaa si ba’an u laysa dadka maxasta ah oo aan wax dembi ah ka gelin mana jirto dhaq dhaqaaq guud oo dalka Soomaaliya ka socda islamarkaana lagu soo afjarayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Hooyo Ruqiyo Xasan, oo ah qof samir badan kuna xidhan Alle ayaa noo sheegtay in aysan dooneyn in ay ka soo muuqato Warbaahinta balse markii dambe ayey naga ogolaatay in aan Warbixinteeda qorno annag oo qarineyna magaceeda.

Hadda waa kaligeed, Afarteedii Caruur ahayd ee ay dhashay midba maalin ayey soo aastay halka hore-na uu ka dhintay Seygeeda kadib Xanuun ku dhacay. Wixii markaas ka dambeeyay ma aysan guursan balse waxay dhabarka u xidhatay in ay Carruurteeda korsato markii ay ku nasan laheydna Al-Shabaab ayaa goblan ka dhigay.

Waxay noo sheegtay Hooyo Ruqiyo, in maalmaha soo socda ay ku wajahan tahay magaalada Kuala Lumpur ee Xarunta Dalka Malaysia waxayna ka sii aadi doonta Dalka UK sida ay noo sheegtay.In dalka ay ka baxdo ma aysan jecleen balse waxaa ku cadaadiyay Xubno katirsan qoyskeeda oo ku nool dalka dibadiisa iyo kuwa ku sugan gudaha dalka sidaas darteedna ay go’aansatay in ay dalka ka dhoofto.

Alle samir iyo Iimaan haka siiyo Caruurteedii

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker