MAHADNAQ AAN U DIRAYO SUXUFI RUUG CADAAGA AH EE FAYSAL VIVA WERIYAHA SOMCABLE TV EE HARGEYSA

BISMILAH WAA ERAY HADAL LAGU BILAABAA
BAAXADDIISU WEYNTAHAY BURJIGIISU ADAGYAHAY
BOQORKEENA WEYN IYO BAXSANOW RASUULKII (SCW)
YAA INOO BAYAANSHO WAXAAN LAGU BILAANINE
BAKHTI BAY NOQDAANO BARAKADA KA SIIBAN
AFARTAA BAYAANSHAY AAN IDIIN BILAABO
BUD DHIGEEDA SHEEKADA ..
BERYAHAA KUMAAN BAHDA WARARKA TEBISA
NIN USOO BANDHIGA BAAHIDA DADWEYNAHA
DADSE  HADDII UU BARATAMO MID UUN BAA KASOO BAXA
BILADANA LA SIIYAA BULSHADUNA KU FARAXDAA
VIVA WADA YIDHAAHDAAN BILAASH MAGACU KUUGUMUU BIXIN
WAA BAAWAR AAD DHEERTAHAY BAHWEYNTA SAXAAFADDA
MAXAAD BUURO FUUSHAY U BADHEEDHAY DOOXYO
BAABUURTA  DAAYO BANI AADAM MARI KARIN
MAXAAD BULSHO DAACDARAYSAN BAAHIDOODA TEBISAY
MAXAAD U BOQOOSHAY BARI IYO GALBEED IYO
BADHTAMAHA WOQOOYI BILICDA DHULKEENA
U BANDHIGTAY BULSHADA KA DHOOHAN
ALLOW BELADA KAA HAY KU BAAL MARI SHARKOO IDIL
BARTII AAD ISTAAGTABA  KU BADHAADH WALAALOW .
Intaasu waa araar iyo erayo kooban aaN ugu mahadnaqyey weriyiahaa geesiga ah ee dadkiisa iyo dalkiisaba jecel  goor walbana taga dhul aanu weriye kale ka dabbaasheen, qofka aan dadka u mahad naqini Allena uma mahadnaqo .. waxaanse la yaabanahay sida aanay dadku wax ugu qaadanayn ama aanay u danaynayn  marka uu Faysal usoo bandhigo  baahiyaha degaanadooda . Waxaad ka soo qaadda safarkiisi gacan libax iyo inta ku hareeraysan oo runtii aan aad u qiirooday markaan arkay dayaca iyo wada xumida dadkaas haysata ee cid wax u qabatayna aanay jirin wixii dawlado ina soo maray.
waxaanse la yaabanahay reeraha jiidaa degaa waa reero aad ugu badan qurbaha yurub, America iyo carabahaba ..
carabka haddaan ku dhufto waa Musa cabdalle iyo Isaxaaq gaar ahaan qaasim ..Hayn aduunyo waa reeraha somaliland ugu ladan oo hadday iskaashadaan samaysn kara wadada Jarato ee dib udhigtay horumarkoodii .
Nin baa laga hayaa wax yar oo la jimbaacayn karo ayaa jees u baab’ay ..xikamad kalaa tidhaahda haddi guriga dumay gadiis  u dhis aanad odhan walee cidi geed kuuma waabto ..
Ma waxay garan waayeen reeraha facaweyni in ay u tashadaan sida hablaha gaaroodi la baxay ee degaanadood ka shaqeeya .
Waxaan hadal ku soo jaray waar haloo kaco degaanka oo hala tashado markaad u jeesataan waa khasab inaad caawimo ka helaysan  meelo aydinaan filayn waayo qofkii wax qabsada wax loogu daraa ..
WA BILLAHI TAWFIIQ ..
DAHIR MOHAMMED JAMA
S/A

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker