Buugga “Forces of Mohamed ” Iyo Aragtiyaha Taariikhiga Ah Ee Ay Reer Galbeedku Ka Qabeen Nebiga SCW

Goethe oo ahaa qoraa iyo diblumaasi Jarmal ahaa ayaa 2-dii Oktoobar 1808 dii magaalada Erfurt ee Jarmalka kula kulmay hoggaamiyihii caanka ahaa ee Napoleon Bonaperte oo markaas Jarmalku uu ka mid ahaa meelaha uu ka taliyo.

Buugga ‘Faces of Mohamed’ oo bishii Juun ee 2019 kii soo baxay ayaa sheegaya in Napoleon waxyaabaha uu maalintaas qoraagan kala sheekaystay uu ka mid ahaa buug uu qoraagu afka jarmalka u turjumay oo ahaa masraxiyad lagu magacaabo “Muxammed”. Masraxiyadda waxaa qoray Faykasuuf Faransiis ah oo lagu magacaabi jiray Voltaire. Goethe in kasta oo uu turjumay Masraxiyaddan haddana waxa uu Napoleon u sheegay in uu ku khilaafsan yahay aragtida ay ka bixinayso Nebi Muxmed (SCW) oo ah sawir fool xun oo been abuura.

 

Arrimaha xiisaha leh ee uu maalintaas Goethe uga warramay Napoleon waxaa ka mid ahaa, in Nebi Muxamed (SCW) oo aanu diintiisa aaminsanayn haddana uu u arkayo in uu ahaa halyeey caalamiya iyo hoggaamiye weyn oo beddelay dhabbihii ay ku socotay taariikhda adduunku. Waxa uu ku tilmaamay ‘Rasuul ku dayasho mudna oo uu ka bartay sida ay u kala duwan yihiin Nebi iyo gabayaa’.

 

 

Saddexdan nin ee aan muslimka ahayn, oo midi yahay hal-abuurka faransiis ee masraxiyadda qoray labana ka sheekaysteen. Waa tusaale uun ka mid ah dad badan oo reer Yurub ah oo aaminsan in Nebi Muxamed (SCW) aanu ahayn shakhsiyad taariikheed oo keliya ama Rasuul diin shisheeye waday oo keliya, sida ay qaar badan oo reer Yurub ahi ku andacoodaan, balse uu ahaa ruux qisadiisa iyo dhaxalka uu ka tegey ee nooli ay yihiin kuwo qasab ka dhigaya in loo fiirfiirsado, laga warwaro, laga amakaago isla markaana ka helitaan mudan.

 

‘Faces of Mohamed’ ayaa bixinaya sawir weyn oo muujinaya sida ay reer galbeedku ugu jaahwareersan yihiin waxa ay ka aaminayaan shakhsiyadda Nebi Muxamed (SCW). Beenaale iyo khiyaamo wade haddana dib u habeeye /wanaajiye iyo hoggaamiye halyeey ahaa labadaas aragtiyood ee is burinayaba waa ay ku andacoodaan. Laakiin si kasta oo ay sawir fool xun uga bixiyaan Nebi Muxamed (SCW) kuna xidhiidhiyaan dhiig qubid iyo burburin haddana taariikhda reer galbeedku waxa ay qirtaa in uu ahaa dib u habeeye / wanaajiye aragti xambaarsan iyo hoggaamiye ruuxi ah, siyaasi iyo sharci dejin.

 

Jaahwareerkani xitaa waxaa laga arkayaa qoraaga masraxiyadda oo foolxumada iyo fogeynta badan ee uu masraxiyaddiisa ku sheegay kaddib mar kale qaatay aragti dambe oo nebi Muxamed (SCW) ku tilmaamaysa shakhsi dagaal kula jiray khuraafaadka. Waxa aanu si gaar ah diinta Islaamka ugu ammaanay in aanay aaminsanayn qardhaasaha iyo sixirka, isla markaana xaaraan ka dhigtay khamaarka iyo khamriga dadkana amartay salaadda iyo sadaqadda.

 

Isbeddelka ku yimi aragtida Voltaire waxaa sabab u ahaa  buug soo baxay sannadkii 1734 kii oo uu qoraaga Ingiriiska ah ee George Sale ku sheegayo in Nebigii Islaamku (SCW) uu ahaa samawade, wanaajiye, hal-abuur iyo hoggaamiye ka soo horjeeday dhaqanka suufinimada ee ah in adduunka looga go’ay macbadka. Waxa uu sheegayaa in Nebi Muxamed (SCW) uu ku dadaalay in uu dadkiisa ka joojiyo dhaqannada beenabuurka iyo khuraafaadka ku dhisan ee ay ka mid yihiin in wadaadada diinta la caabudo, ama aasaarta diimeed ee barakaysan la caabudo, waxa aanu meesha ka saaray awooddii ay isa siiyeen wadaadada diinta ee faasidiinta ahaa, isaga oo u jeeda baaderiyadii kaniisadaha.

 

Napoleon isagu waxa uu Nebi Muxamed (SCW) u arkayey Janaraal Milateri oo aad u heersarreeya, codkar fagaare ka hadalka aad u yaqaanna iyo hoggaamiye. Waxa aanu si badheedh ah u sheegay in uu in uu Nebi Muxamed yahay ruux ay tahay in lagu daydo.

 

John Tolan waxa uu buuggiisan ‘Faces of Muhammad’ ku sheegayaa in qaybo badan oo dadkii reer Yurub ee qarniyadii dhexe ahi ay aragti togan ka haysteen Muxamed (SCW), Waxa aanu arrrintaas ku sababaynayaa waqtigaas oo ay aad u bateen dadka Kiristaanka ahaa ee dhaliilsanaa Kaniisadda iyo wadaadadii ku amar ku taaglayn jiray, sidaas awgeed ay u muuqatay wanaagga diinta Islaamka iyo habdhaqanka quruxda badan ee Nebi Muxamed (SCW) umadda gaadhsiinayey.

Qoraagu isaga oo ka duulaya aragtiyahaas is burinaya iyo fahamkaas is bedbeddelaya ee ay reer galbeedku ka haysteen Nebi Muxamed (SCW) ayaa uu doortay magacsa ‘Faces of Mohamed’ .

 

WQ: Kamaal Axmed Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker