Madaxweynaha lama tartamayno, markuu na tartansiiyo, waanu tartamaynaa.

Diyaaraddii aan ka soo raacay Landhan, Soomaalidii saarnayd, waxay u badnaayeen qoysas u soo xiisooday dalkooda, waxaa hoggaaminayey siyaasi Cabdilaahi Jawaan iyo Fanaanadda weyn ee Maandeeq.
Waxaan si xushmad leh u gacan qaaday siyaasi, oday Cabdilaahi, wuxuu fadhiyey meesha dadku marayeen. Waxaan Ku idhi, Aniga oo hoos ugu foororsanaya ‘ ma Cabdilaahi baa, sow nabad ma aha’ inta uu halacsi daymo kor ii yare jaleecay, wuxuu yidhi ‘ haa, adigu kuma ayaad ahayd’ waxaan idhi Bashiir Tarabbi, waxaan isaga dhaafey xagii Maandeeq iyadoo si weji furan ii salaantey, Odaygu waxaan is idhi ma in aan waraaq CID-da uga sido ayuu u maleeyey. Intaasi waxay ka dhacday duulimaad kayagii Addis iyo Hoyga Fanka iyo Saxaafadda Soomaalida ee Hargeysa.
Waxaase kaa ka horreeyey safarkayagii Landhan iyo Addis. Ragga Soomaalidu waxay si xilkasnimo la’aani ka muuqato isula taagnaayeen oo ku sheekaysanayeen marinka yar ee u dhexeeya kuraasta, iyaga oo fadhi in ay salka dhigaan diidey, dumarku waxay ka wada sheekaysanayeen kuraas kala durugsan, si qaylo dheer, caruurtu way oohin badnaayeen, kuwa ku ciyaarayey qalabka madadaaladuna waxay u muuqdeen kuwo maqan oo maan doorsoomay. Haddii dadkii kale ee aan Soomaalida ahayn,kabaheena loo geliyo,waxay odhan lahaayeen, waa garac meher la’aan ku dhashay.
Hablihii edaabta badnaa ee noo shaqaynayey, waxay ahaayeen kuwo ay ka muuqatey wax xeerin iyo  khalkhal nafsadeed oo culays soo wajahay, aad bay u adkayd in hablahaasi u shaqeeyaan si farxad leh, waxayse xanshaashaq ay hoos u guuxayeen  laga dareayey xagga hore iyo dambe ee ay wax ku maamulaan, marka ay isku keliyaystaan.
Wax badan baa Iska bedelay dhalinyarada shandadaha garoonka Cigaal ka shaqaysa iyo tagaasidaba, isbedel togan. Koleyba hawada Soomaalilaan way Iska wadataa farxadda iyo ilowshaha wadadii dheerayd ee daalka iyo qalada badnaa, indhaha muwaadinkuna way qawad yaraadaan, istareex.
Bashiir Tarabbi Oogle,
Somalilaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker