Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi Kulankooda Saameynta Uu Ku Yeeshay Mucaaridka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, Kulankii ay Galinkii Dambe er Maanta kuwada Qaateen Guriga Madaxtooyada ee Madaxweynuhu Ka Degan Yahey Caasimada Hargeysa, ayaa Wararka Xogaha hordhaca ah ee Kulankaasi lagu Sheegay, in ay Wakhti gaar ah Isku kaliyaysteen, iyagoo Islaab xaadhashadooda Kadib Wada Qaatey Sheeko dheer oo Ku Sahabasan, Geedi dhiga heshiiska ay Wakhtigan Wada gaadheen, Kaas oo ay Isula soo Qaadeen Marxalada Siyaasadeed, ee Wakhtigan Dalku Marayo, iyo sida ay Mar Kale gacmaha Isku qabsanayaan, iyagoo Isku Kalsoon, oo Heshiis Cad Meel Wada Dhigay.

Guud ahaanba, Shacabka Somaliland iyo Taageerayaasha Labada Dhinac, ayaa Sigaar ah isha ugu hayey Kulankan, oo Isniintii Shaley ay Inta Taageersani labada dhinacba, ay Baraha Bulshada ku baahiyeen Kulanka iyo in Waa Cusubi ka Baryay Xurguftii indhawaale Taagnayd, ee u Dhaxaysay Madaxweynaha iyo Xaashi Haseyeeshee, Waxaa iyaguna Warbixino Kale oo Kasoo horjeeda Kan Reer Kulmiye Xaley Niskii Dambe, Baraha Bulshada ku baahiyay Dhinacooda, Taagerayaasha iyo Warbaahinta Sida Dhaw ula Shaqeeya Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali, Kuwaas oo Sheegayay in uu Dhicisoobay Kulankii ay u Balameen Madaxweyne Muuse Biixi, iyo Maxamuud Xaashi, iyagoo Xusay in Wasiiradda oo Ka Qeybgalaya Awgeed La Isku Diiday Laakiin, arintaasi Waxaa Soo afjarey Kulankii labada dhinac, oo u Qabsoomay sidii Kutagalku ahaa, sida Dadka ka agdhawina Sheegeen in ay dhamaysteen Arimo, badan oo La Filayey.

Sikasta, oo Xaalku yahey, Waxaa muuqda in Saamaynta Kulankan iyo Arimaha la isla meel dhigay, hordhac u noqdey in uu Saamayn ku Yeelan Karro isbadel Siyaasadeed, oo ku Yimid kalajabkii hore, ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ahaa, kaas oo Doorashadii Dhaweyd ee Shirgudoonka Golaha Wakiilada Qeyb ka ahaa, Sidii Xisbi Xaakimka loogaga Guulaystay Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, isla arintaas oo ah Tan ay Mucaaridku sida Fiinta iga Qeylinayaan, ee Laba dbinacba ay uga Cabsi qabaan in ay Saameyn Ku yeelato Isbadelkii Xisbiga Waddani Gudihiisa, khusuusan, Qodobka saldhiga u ahaa Wareejintii Gudoomiyaha Xisbiga Loogu Wareejiyay Xirsi Cali Xaaji Xasan, iyo tan sheegashada Aqlabiyada Golaha ee Xildhibaanada Mucaaridka ah, oo heshiiskani sigaar ah u Taabanayo Gees kasta.

Gabagabadii, Wararku Waxa ay Sheegayaan, in Maxamuud Xaashi heshiiskan ay Wada gaadheen, Madaxweyne Muuse Biixi ay Ku Lamaanaayeen, Xubno tira badan oo Saamayn ku leh Dhinaca Siyaasada Taageerayaasha Xisbi Xaakimka kulmiye, oo iyaguna Weysada u biyaystey in ay Kulankan iyo Nuxurka kasoo baxaba Duuduub Ku qaataan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker