Eray Aan Ka Idhi Xafladdii Bandhigga Maansada Baraarug

Guud ahaan maansada abwaanku goobta ka tiriyay waan u riyaaqay, haddii laga tagi waayo erey baan saluugay kaas oo ahaa;
1. In maansada BARAARUG oo dhalliil dusha uga tuuraysay idil ahaan hal-doorka bulshada taasi oo aqoon-yahanka ku sii talax-tagtay kuna tilmaantay; BUUG BUUG SITA! Arrinta qof ahaan I soo jiidatay waxa weeyaan in maanso-yahanku “Abwaannadu” aanay dhalliisa hal-doorka kale abwaanku u miisay iyagu wax ba ku lahayn. Haddii sida abwaanku hadalka u dhigay wax yihiin, barta keliya ee innoo bed-qabtaa waa abwaannada ee iyagu ha inna caymiyaan.
Bal hadda Gaarriye (AHN) ila eega, wuxuu yidhi:
Ummaddayda tasowdee,
Aniga iga bilow oo
Awaankeedu ka leexday,
Wax aqoonta tabaysa.
Farqiga u dhexeeya labada abwaan waa in Gaarriye dhallisha isagu iska bilaabay, bahdiisii ku xigsiiya kaddibna ummadda kale u gudbay, halka Laabsalax na isagu iska reebay bahdiisiina ka reebay.
Guntii Laabsaalax nin garasho badan baan ku ogaaye gar iyo garowsho mid uun buu ka keeni arrintaa.”
Cabdinaasir Axmed Abraham

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker