Iran oo laban-laabaysa shidaalka ay debedda u dhoofiso

Madaxweynaha dalka Iran ayaa sheegay in waddankiisu uu laban laabi doono saliidda ceydhiin ee uu debedda u dhoofiyo marka uu xafiiska la wareego Bishan August ee foodda innagu soo haysa, inkasta oo dalkaas ay saaran tahay cunaqabatayno culus oo ka dhan dhoofinta shidaalka.

Ebrahim Raisi ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu waraysi toos ah siinayey telefishanka ay dawladdu maamusho, isaga oo aan tafaasiil dheeri ah ka bixin cadadka saliidda uu qorshaynayo in debedda loo dhoofiyo.

Hadalka Raisi ayaa yimid iyadoo suuqyada caalamiga ahi ay raadinayaan beddelka saliiddii uu soo saari jiray Ruushku ka dib duulaankii Moscow ee Ukraine iyo weliba cunaqabateynada ay dalalka reer galbeedku ku soo rogeen dhoofinta shidaalka Ruushka. Dalka Iran ayaa haatan ku tartamaya inuu buuxiyo booska ka bannaan suuqyada caalamiga ah iyaga oo soo saara saliidda caydhiin oo la tayo ah tan Ruushka.

Bangiga dhexe ee Iran ayaa billowgii bishii February soo saaray tirokoob uu ku sheegay in uu ka sameeyay 18.6 bilyan oo dollar iibka saliidda qeybtii hore ee sanadkan, taasoo ka badan qiimaha uu iibiyey sannadkii hore wakhtigaas oo kale oo gaadhaysay illaa $8.5 bilyan, sida uu sheegay wargeyska dawladda ee IRAN.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker