Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan ayaa ka hadlay heshiiska taariikhiga ahaa ee ay gaareen dalalka Imaaraatka Carabta iyo Isra’iil.

 

Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishenka ayaa sheegay in dalkiisa ay dhici karto in uu xiriirka u jaro Imaaraatka, waxaana sababta uu ku sheegay xidhiidhka ay la yeelaneyso Isra’iil.

 

“Tallabaad la xidhiidhka arrinta Falastiin, ma ahan mid inaga dageyso, waxaa laga yaabaa in aan qaadno tallaabo aan meesha uga saareyno xiriirka diblomaasiyadeed ee naga la dhaxeeya Abu Dhabi, waxaana dhici karta in aan u yeerano safiirka halkaa inoo fadhiya,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan.

 

Erdogan ayaa intaa sii raaciyay “waxaan garab taaganahay shacabka Falastiin, waligeenna ma oggolaanin in Falastiin la burburiyo.”

 

Israa’iil iyo dalka imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis si dib loogu soo celiyo xiriirka labada dhinac. Israa’iil ayaa waxay aqbashay inay joojiso qorsheeda ay isku sii ballaarinayso qeybo ka mid ah daanta galbeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker