REER AWDAL MA ARKAAN 9 KII SANNO ….NINKII HADHA YEELKADIISA..

. يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَلِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ
Dadyahaw waxaan idinka abuurnay lab iyo dhadig waxaana idinka dhignay dadyow ama bini’aadam iyo qabiilooyin si aad issu aqoonsataan, midkiinna ugu sharafta badan Allah agtiisa waa midka ugu Alla cabsiga badan, Allah waa cilmi badane og gunta shey wabla. subxaan

Shacabka reer Awdal ma aaminsana Dawladnimada Somaliland, waxay u haystaan qoys keliyi uu ku shaqeysto, Danahoodana ku fushadaan ama xukun wax lagu maroorsadey… oo wax lagu dhaco.. Uma muuqdaan 9 kii sanno ee ay xukunka dalka hayeen, hadaad ka hadhaan (waa ninkii hadhey yeelkadiisa)…goboladii bariga ayaa maanta hamuun u qaba dawladnimada.
 
Dawladi waa qayb ka mid ah dadka oo la ururiyey, loo qaabeeyey iney u adeegaan bulshada (adeega bulshada), loona xilsaartay iney hogaamiyaan, siyaasadda, dhaqaalaha, sugida amniga, ilaalinta iyo fulinta sharciga (siyaasada), ilaalinta badda iyo cirka iyo dhamaan xuduudaha ay leeyihiin bulshadaas ay metelaan, difaacida xoriyada muwaadinka, iyo qaranka guud ahaanba.
 
Waxay kaloo dawladdu garsoore u tahay muwaadinka, sidoo kale waxay Xaakim u wada tahay muwaadiniinta ay dawladda u tahay, oo la doonayo inay u kala garqaado kii gardaran ay sharci mariso, kii laga gardaran yahayna ay xaqiisa usoo dhiciso. Laakiin ninkii hadha yeelkadiisa.
 
PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)
KRISTIANSAND, NORWEY.
jaafaa66@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker