Hub Iyo Malaayiin Doollar oo Lagu Qabtay Wadanka Ethiopia.

Adiss-ababa-(OWN)-Booliska dalka Itoobiya ayaa la wareegay lacago caddaan ah iyo hub, sida laga soo xigtay sarkaalka ugu sarreeya booliska dalka Ethiopia.

Howlgallo laga fuliyay gudaha iyo dibadda caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la sheegay in lugu soo qabtey ku dhowaad $ 10 milyan oo doolar oo caddaan ah, iyo hub gaadhaya illaa 1,000 oo isugu jira qoryaha fudud ,kuwa daran-dooriga u dhaca iyo 80,000 oo rasaas ah.

Taliyaha booliska federaalka Itoobiya, Zeenu Jemal ayaa xaqiijiyay howlgalka lugu soo qabtay hubka iyo lacagta caddaanka ah inay ka qeyb-qaateen hay’adda sirdoonka iyo amniga qaranka Itoobiya ee NISS iyo bilayska gobolka Oromia oo taageero ka helaya dadweynaha, wuxuuna intaa ku daray in la qabtay dadkii watey lacagta iyo hubka, ma uusan bixin faahfaahin inta ka badan.

Booliska ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in hubka loo soo galiyay Itoobiya, dalalka Suudaan iyo Jabuuti si ay u abuuraan xasillooni la’aan, ย waxaana dhacdadaan ay ku soo beegmaysaa xilli ay taagan-tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ย Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker