Heesta Qushuuc: Hal-godlay, Laba-godlay iyo Saddex-godlay

Heesta Qushuuc: Hal-godlay, Laba-godlay iyo Saddex-godlay

 

Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) ayaa sameeyay hees la yidhaahdo Qushuuc oo laxankana uu saaray, waxa codkiisana ku qaaday muusiggana ku ladhay Ismaaciil-Danan.

 

Waa hees maskaxdu is-weyddiisay dhiskeeda, godka ay ku fadhido, mararka qaarkoodna leh laxanno ama habraac isbeddelaya, waxay ku dhisan tahay wadarta godad aan hore la isugu geynnin imaka ka kor oo laba jaad ah iyo god-maanseed aan hore hees-faneed loogu qaadin balse soo-jireen ah.

 

Aniga oo ku dhawaad afar iyo toban gu’ ku jiray abla-ablaynta maansada, taas oo ah inta aan sida gaarka ah uga xushay suugaanta mawduucan, muddo intaas ka badanna qaybaha maansada wax ka aqaannay, tani waxa ay igu kelliftay in aan abla-ablaynteeda in badan maskaxda u tuujiyo. Cabdirisaaq Xaamud Jaylaani maxaad noo dawakhinaysaaa? weliba keligay lafagurkan ma sameeyeen haddii aanan war, wacaal iyo weyddiin ula noqon Abwaan Maxamed Maxammad Gallaydh oo aanu nasiib-wanaag caawa Hargeysa wada joogno..

 

Marka laga tago macnaheeda, dulucdeeda iyo nuxurkeeda ay xambaarsan tahay, aniga oo ka warcelinaya faallo uu Fuad Waaberi igu soo xusay oo uu igu suaalay dhismaha heesta qushuuc, waxa aan leeyahay:

 

Heestu mar waa hal godlay

Marna waa laba godlay

Marna waa saddex godlay

 

1. Hal godlay: God-soo-jireen ah oo maqasha loogu heeso.

 

Heesta siyaabo kala geddisan ayaa dhismaheeda loo fasiri karaa, tilmaantani waa iftiiminta Abwaan Gallaydh innagu kaalmeeyay. Meerisyada qaarkood waxa ay leeyihiin dhismaha hees maqasha loo qaadi jiray oo ah kan:

 

Waa geeddiyoo laga guurye-guri raaxo

 

Iyada oo shaqal isbeddeli karo, kaas barbardhig kuwan hoose ee aan ka soo miidhay meelo kala duwan ee heesta ah, waa sadarro aan gacan-togaaleeyay oo meelo kala duwan ku jirna, ahna:

 

Naftu way qirtee quruxdeeda laysla qaaday

Qosoliyo galgacal waqtigayga?Kula qaatay

Axdi qaro lihiyo balan qoysa Wada qaadnay

qacda eegmadiyo araggeeda?ku qaboobay.

Qofba waa qofkiisee Qofkaygu?waa qaali

Qudhba waa qudheede Qudhiisu?igu qanacsan

Igamuu qasaarine dookhu ?Qof san ii xul

Qotonkeeda iyo qaab dhiskeedu?Is quweeye

 

2. Laba godlay: maqasha + Hagarlaawe

 

Waa laba meeris, sadar ama tudc oo ah godka maqasha oo loo geeyay Hagarlaawe, haddii aan suugaan hore laga dhisin oo aan la keenin maanso habkan isugu xidhan in mustaqbalka marka baadhiddu dhammaato loo aqoonsado Qushuuc, daahfuraheedana uu noqdo Jaylaani ayaa maangal ah. Dhismaheeda aan Qushuuc ugu sii yeedho intaan helayo meerisyo la jaad ah inta ugu badan heesta.

 

Meerisyada hannaankan raacaya ayaa ah

 

Qalbigaa jacayl u qaboo mid kale qabanaynin

Mana qoomayn barashada mar qudha ma qabyaynin

Qofkan aan jeclahay farxadaan ku qabo ma qiyaasna

Isma quudhsanoo qabku uu xunyee ka qashaafnay

 

3. Saddex godlay: Laba god oo maqasha ah iyo saddex-naaslay (godka jiibta)

Meerisyada markale waxa dhiskooda lagu fasiri karaa saddex god oo la isu geeyay, waana habdhaca sare maqasha iyo hagarlaawe oo aan si kale u dihi.

 

Saddex meeris waxa ay kala yihiin:

Maqaleey warlaay+ maqaleey warlaay + godka jiibta (saddexnaaslay)

Bal eeg

Jacayl qiimoliyo Dareen qaayo badan Isu qiranay

Anigigoo qawadin nolol qaybsanoo U qushuucay.

Sidaytahay qardhaas wadnahaan ku qoray Qumantayda

Qun u yeelatoo qalanjadu naftii?Qandaraastay

Qabsatoo kashaa qayrkeed u jecel?Qawl keeda

Anagoo hal qudha qorshe yeelanoo?Qabyo diidnay

Qadaf waa dhacaa kaayaga qaldamay?Saxa qaaday

 

Weliba hannaan afraad oo aan dhiskeeda u faallayn karana waan hayaa.. Qushuuc waa hees habraaceedu u furan yahay in ay falanqeeyaan culimada suugaanta oo aan si gaar ah caawa uga xusayo Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), Abwaan Cali Ileeye Abwaan Cabdiqaadir Qalinle, Cabdixakiin Marayare Fadxi Cabdi Xasan iyo mudanka kale.

 

WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker