Joe Biden Oo Qorsheynaya In Siyaasad Cusub Lagu Waajaho Arimaha Ka Taagan Yemen

Maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dalka Mareyanka Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday in ay soo afjarayaan dhammaan taageerada Mareykanka ee ku aaddan howlgallada weerar ee ka socda dalka Yemen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay wadaan qorshe la doonayo in Mareykanku uu kaalin firfircoon kaga qaato joojinta dagaalada ka socda dalka Yemen ee ay isku hayaan isbaheysiga uu hoggaamiyo Sucuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta ee dalkaasi.

“Sacuudi Carabiya waxay wajaheysaa weeraro gantaalo iyo hanjabaado kale oo uga imanaya xoogagga ay taageeraan Iiraan sidaa daraadeed,waxaan sii wadaynaa inaan taageerno oo aan ka caawinno Sacuudi Carabiya inay difaacdo madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed iyo dadkeeda. ”ayuu yidhi Joe Biden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker