Midowga Yurub iyo UNICEF oo Daah-rogey Mashruuca Biyo-Siinta Magaalooyinka Dalka

Biyo nadiif ah, oo qiime-jaban ayaa waqtigan ay helayaan kumanaan qoys oo ku nool degaanno ka tirsan Somaliland taas oo ka dhalatey mashruuc ay maanta daah-rogeen Dowladda Somaliland, Midowga Yurub, UNICEF iyo la-hawlgalayaashooda.

Mashruuca sii Wanaajinta Adeegga Biyo-siinta ee Somaliland ayaa isu keeney dowladda, sharikadaha biyaha iyo bulshooyinka iyada oo loo marayo hab Iskaashiga Maamulka iyo Ganacsiga Gaar Loo Leeyahay ah / Public-Private Partnership (PPP) si wax looga qabto biyo-yaraanta haysatey jiilal bulshooyinka reer Somaliland ah. Nidaamyada biyaha ee afar magaalo – Boorama, Burco, Ceeri-gaabo iyo Tog Wajaale – ayaa la dayactirey ama dib-loo-dhisey ka dib markii si deeqsinimo leh uu u maalgeliyey Midowga Yurub oo taageero dhinac farsamada ahna ay u bixiyeeen UNICEF iyo la-hawlgalayaasha. Ilaa 800,000 qof ayaa hadda si joogto ah u heli kara biyo nadiif ah taas oo ka dhalatey dadaalka wadajirka ah ee la bixiyey.

”Biyuhu waa xuquuq aasaasi ah. Door muhiim ah ayaa ay ku leeyihiin nolosheenna. Waxaan ku faraxsannahay in dadka reer Somaliland iyo gaar ahaan reer Tog Wajaale ay hadda heli karaan biyo nadiif ah oo qiime-jaban. Biyahani waa kuwo aad uga wanaagsan biyihii aan nadaafadda lahayn oo qaaligana ahaa ee horey looga keeni jirey balliga ku yaalla xuduudda Itoobiya, ayaa uu yidhi Mr Fulgencio Garrido Ruize, oo ah U-qaabilsanaha Midowga Yurub ee Arrimaha Soomaaliya. “Aad baan ugu faraxsannahay joogitaankeenna halkan, annaga oo goob-joog u ah guushan muhiimka ah la gaarey iyo in ay u suurowdey arrintii ay bulshooyin badan ay ku duceysanayeen oo markii ugu horreysey ay hadda heleen biyo nadiif ah,” ayaa uu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa.

Guud ahaan, Somalialnd, 68 boqolkiiba dadweynaha ayaa heli kara il-biyood oo la isku halleyn karo. Haseyeeshee, farqi aad u weyn ayaa u dhexeeya degaannada magaalooyinka ah iyo miyiga. Degaannada miyiga ah, keliya 28 boqolkiiba qoysaska ayaa heli kara il-biyood oo hagaagsan. Qaar badan oo ka mid ah bulshooyinka reer Somaliland, halganka ay ugu jiraan in ay helaan biyo nadiif ah waxaa culeys ku ah kaabayaasha dhaqaalaha ee liita waxaana uu halgankoodu sii xoogeystaa waqtiyada ay jiraan dhibaatooyinka sida abaartii dhacdey 2017kii.

“Helidda biyo nadiif ah, oo qiime-jaban oo joogtana ah waxaa ay ahayd riyo ay ku haminayeen dad badan oo ku nool Somaliland,” ayaa uu yiri Jesper Moller, oo ah Ku-simaha Wakiilka UNICEF. “Ugu dambeyntii maanta ayaa ay riyadoodii u rumowdey carruur, haween iyo qoysas badan oo ku nool Somaliland. Waxaan ka mahadcelineynaa hoggaan-wanaagga dowladda iyo maalgelintii deeq-sinimada lahayd ee Midowga Yurub oo suurageliyey in mashruucan ballaaran lagu guuleysto. Guushan waxaa ay si dhab ah uga markhaati kacaysaa dadaalka iyo hawlkarnimada dhammaan wada-hawlgalayaashii qaybta ka ahaa, iyo geesinimada, khibradda iyo adkeysiga dadka reer Somaliland.”

DHAMMAAD

Waxii macluumaad dheeri ah fadlan la soo xidhiidh:
Abdikadir Abdi, Press and Information Manager, EU Somalia
Email: DELEGATION-SOMALIA-PPI@eeas.europa.eu, Mobile: +254 727818881
Jamal Abdi Sarman, Communication Officer, UNICEF Somalia
Email: jasarman@unicef.org Mobile: +252 633603545

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker