450 Tahriibayaal Oo Laga soo Badbaadiyey Xeebaha Dalka Libya
Hayโadda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in Ciidanka Ilaalada Xeebaha waddanka Libya ay gudaha badda ka soo badbaadiyeen in ka badan 450 Tahriibayaal ah oo doonayay in ay galaan Yurub.
Qoraal lagu daabacay barta Twitter Xafiiska IOM ku leedahay dalka Libya ayaa lagu sheegay in mudadii u dhexaysay 19-25 bishan January xeebaha Libya laga soo badbaadiyay ilaa 452 qofย oo Tahriibayaal ah kuwaas oo doonayay in ay galaan Qaaradda Yurub.
Hayโaddu waxay sidoo kale tilmaantay in dad gaaraya 17 qof oo haween iyo caruur u badan ay todobaadkan ku dhinteen xeebaha dalka Libya kadib markii ay qallibantay doon yar oo ay saarnaayeen dadkaas.
IOM waxay intaas ku dartay in muddooyinkii u dambeeyay ay kordheen dadka ka tahriibaya xeebaha Libya si ay nolol uga raadsadaan dalalka Yurub islamarkaana khatar baโan kala kulmaya gudaha Badda.