Amnesty International Oo Ku Baaqday in La Baadho Falalka Ay Israa’iil kula Kaceyso Gaza

Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in baadhitaan lagu sameeyo falalka arxan darrada ah ee ay Israa’iil kula kaceyso dadka rayidka ah ee marinka Gaza ku nool.

Bayaan  ka soo baxay hay’addda Amnesty International ayaa lagu sheegay in weerarada cirka ah ee Israa’iil ay ku dhinteen carruur, haween iyo dad badan oo rayid ah oo qaarkood isku qoys yihiin.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Israa’iil duqeysay dhismooyin waa weyn oo xafiisyo u ahaa shirkado kala duwan iyo guryo ay degganaayeen dad rayid ah.

Hay’adda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la baadho weerarada Israa’iil, iyadoo la eegayo dembiyada ka dhanka ah beni’aadannimada ee ay ku kaceen ciidamada Israa’iil.

 

Source: https://www.amnesty.org/en/latest/news/2021/05/israelopt-pattern-of-israeli-attacks-on-residential-homes-in-gaza-must-be-investigated-as-war-crimes/

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker