McDonald’s oo dib ula soo wareegeysa maqaayadihii ay ku lahayd Isra’il ka dib markii ay musallifeen.

Shirkadda ku caanbaxday cuntada fudud ee McDonald’s ayaa soo xireysa dhammaan maqaayadihii ay ku lahayd Isra’il ka dib markii macaamiishii ay qaaddaceen macmiishii wax ka cuni jirey.

Shirkadda Mconald’s ayaa heshiis la gaartey shirkad la yiraahdo Alonyal oo magaceeda uga shaqeysata Isra’il balse ku qasaartay, ka dib markii lagu cambaareeyey in ay cunto lacag la’aan ah u qaybisay ciidanka Isra’il ee dagaalka ka wada marinka Qasa.

Alonyal oo maamuleysey225 maqaayadood oo ku kala yaallay Isra’il, islamarkaana shaqaaleysiin jirtey 5,000 oo qof ayaa waxaa saameyn dhaqaale ku yeeshay cunaqabateyn ay ku soo rogeen macaamiisheedi oo ku eedeeyey in ay qayb ka tahay duullaanka Isra’il ee Qasa, taasina waxay keentay in ay McDonald’s u celiso magaceedi.

Shirkadda McDonald’s oo laga leeyahay dalka Mareykanka waxay magaceeda ku shaqeysta ganacsato kale oo kiro iska bixiya sidaasna uga faa’ideysta magaceeda maadaama ay caan tahay.

Haddaba maqaayaaha McDonald’s ee Isra’il ku yaalla waxaa 30-kii sano ee la soo dhaafay ku shaqeysan jirey ganacsade la yiraahdo Omri Padan iyo shirkadddiisa Alonyal. Laakiin waxaa xeero fadhaal ka kala dheceen markiiuu billaabay in uu kumannaan askeri oo ka tirsan ciidanka keydka ah ee Isra’il uu qado bilaash ah u qaybiyo, tillabadaas oo macaamiil badan ka careysiisay.

Xayiraadda lagu soo rogey maqaayadaha kuma eka kuwa Isra’il oo qura, laakiin waxaa sidoo kale la qaaddacay faracyada ay ku leedahay dalal badan oo Muslim ah, sida Pakistan, Malaysia iyo Kuwait, ka dib markii lagu xagliyey in ay Isra’il la jirto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker