Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Meesha Ka Saaray Gebi-dhaclayntii Qiimaha Shillink a Iyo Bulshada oo Ku Diirsatay

Marka ay xaaladaha qaar soo kordhaan ama ay dhaqaalaha dunida wax iska bedelaan inta badan waxaa ka dhici jiray Somaliland in qiimaha sarrifka Dollarku in uu kor u koco isla markaana qiimaha shillinka Somaliland uu hoos u dhoco.

Markii uu caalamka ka dilaacay xannuunka sida weyn u faafaya ee Corona Virus,ayay dad badan oo danyar ah oo reer Somaliland ahi wer wer weyn ay ku dhalisay faafitaanka xannuunkaas iyo kala xidh xidhnaanta iyo xaladaha deg degga ah ee uu dalalka caalamka geliyay in ay saamayn ku yeelato qiimaha shillinka Somaliland isla markaana wax ay muddo ka nasteen oo ah kor u kac qiimaha dollarku in ay dib ugu soo noqoto,taas oo bulshada Somaliland ay ka nasatay isla markaana dhegahoodu ay ka raysteen kelmaddii ahayd qiimihii dollarka ayaa sre u kacay tan iyo markii uu hoggaanka Baanka dhexe ee Qaranka uu la wareegay Guddoomiye Cali Ibraahin Jaamac(Baqdaadi).

 

Werwerkaa ay bulshdu ka qabtay in kor u kicii sarrifku dib ugu soo noqdo uguna soo dhuunto xnnunka Covid 19,ayaa meesha ka baxday iyadoo ay meesha ka baxday lacag badan oo Dollar ahayd oo dalka dibedda ka soo geli jirtay ina badnayd biilashii billaha ahaa ee dadka reer Somaliland ee caalamka daafihiisa kala duwan ku maqani ay qoysaskooda usoo diri jireen,ayuu haddana baanka dhexe ee Somaliland meesha ka saaray in bulshada reer Somaliland ay mar dambe ka wer weraan in qiimaha shillinka Somaliland in uu hoos u dhoco ama ay dadka reer Somaliland addoon u noqdaan Dollar oo ay shillinkooda wax ku iibsan kari waayaan.

 

qaar ka mid ah dadweynaha caasimadda Hargeysa oo Warbaahintu wax ka waydiisay hannaanka Baanka dhexe ee Somaliland uu u xakameeyay qiimihi sarrifka Dollarka,ayaa aad u soo dhaweeyay shaqada Baanka dhexe uu dalka u hayo iyo tallaabooyinka uu qaaday Guddoomiye Baqdaadi muddadii uu xilka hayay.

Oday Axmed oo ka mid ah waayeelka Caasimadda Hargeysa ku dhaqan isla markaana si dhaw ula socda in xilligan ay meesha ka bexeen biilal badan oo Dollar ah oo dalka dibedda ka soo geli jiray,ayaa yidhi. “intii guddoomiyahan imika Baanka dhexe xilka uu hayay isaga iyo madaxda kale ee ay wada shaqeeyaan waxaanu ka raysanay kelmad dhegahayaga aad ugu soo noq noqon jirtay ee ahayd Dollorkii ayaa sare u kacay”

Muwadin kale oo shaqada Baanka dhexe uu qaranka u hayo iyo sida uu u arko habka ay u xakameeyeen qiimaha Dollarka,ayaa yidhi. “markii hore lacagta dalkaba waa la inna nacsiiyay oo wixii kor loo qaadaba Dollar ayaa la innoogu sheegayay waliba maalin kasta iyo saacad kasta qiimihiisu wuu is bedelayay laakiin imika dalka Somaliland wuxuu noqday dal lacagtiisu ay shaqayso tallaabadaasina waxay suura gashay intii xukuumadda Madaxweyne Muuse jirtay gaar ahaan markii Baanka dhexe ee qaranka loo magacaabay Guddoomiyaha imika jooga,subax kasta imika anigoo aan suuqa iman ayaan ogahay qiimaha dollarka cidina iguma qaldi karto oo baanka dhexe ee Qaranka ayaa mobilka iigu soo dira qiimaha uu subaxdaa sarrifku marayo mana maamulaan imika sarrifka lacagaha qalad sarrifleyaashu ee baanka qaranka ayaa gacanta ku haya.”

 

Tan iyo markii uu guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac Baqdaadi uu talada la wareegay tallaabooyinka uu qaaday ee sidoodii u shaqeeyay waxaa kow ka ah in qiimaha sarrifka dollarku uu noqdo halkii ay ku jaangooyeen oon is bedel ku iman,waxaa kale oo uu ku guulaystay in Baanka dhexe uu noqdo mid farriintiisa qiimaha isku bedelka lacaguhu ina y qof kasta oo dalka joogaa mid uu ka war qabi karo oo Baanka dhexe uu soo gaadhsiiyo.

Waxaa kale o uu ku guulaystay in xarunta Baanka dhexe oon sidoo loo dhisay aan dib waxba looga qaban in uu hannaan dayactir dhammaystiran in uu ku sameeyo.

 

Imika intan lagu gudo jiray xaaladda ka hor tagga xnnuunka Covid 19 waxyaabaha Baanka dhexe lagu ammaanay waxaa kow ka ah sida ay uga fekereen masuuliyiinta Baanka ee u gadhwadeenka u yahay Guddoomiye Baqdaadi kala fogaanta dadka iyo dhawrista badqabka qofka loo adeegayo iyo shaqaalahaba,waxa kale oo aad loogu bogaadiyay in muddadaa dalka dhaqaalihiisa ay wax iska bedeleen in aanu saamayn ku yeelan qiimaha sarrifka Dollarka iyo in aanay shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu Baanka ka waayin mushaharooyinkoodii aoo ay hawlaha baanku si habsami ah u socdaan.

Xukuumadda Somaliland Oo Dalka ka Mamnuucday Adeegga Forex | Radio ...

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker