Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Iyo Maanso Tobanka Danbe

Ramadaan mubarak waa maanso ka hadlasa guud ahaan bisha ramadaan gaar ahaana tilmaamasa tobbanka danbe ee ramadaan iyo fadligeeda ,dhugasho wacan.
Ummaddahay dhamaantiin,
Sida aad u idill tihiin,
Dhagihiina ii furroo,
Erayada samaantalee,
Afkaygu sheegayaan,
U dhegaysta si quman,
Hana dhawra eebbee
Ma ogtihiin sideedaba
Ayaama wanaagalee
Ilaaheena doortoo
U fadillay si qaasa
Inay ahaatay ramadaan,
Albaabada jannadiyo
La furray ixsaanadiyo
Ashyaayiyo wanaag badan
Dabadeed ibleysyadiyo
Ehalkiisa oo dhan
Silsilad adayg badan
lagu xidhay aroor hore.
Ma ogtihiin sidoo kale
Tobanka u danbeeya
Inuu ku jiro habeen
U khayr badan habeenada
Ilaahay agtiisana
Ajarkeedu ku weynyahay
Dadaalkii aynu hayniyo
Hurdadaynu u daynoo
Usoo jeednay ramadaan
Waa arrin wanaagsanee
ujuur weeyi wacanee
Aakhiro u roonee
Tobbanka danbe ha ilaabina
Suga oo u baratama.
Hamse riiraash

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker