Shirkadda DP World oo Agab Caafimaad Gaadhsiisay Cusbitaalka Berbera

Guddida ka hortagga xanuuunka Coronavirus ee gobolka Saaxil ayaa deeq caafimaad ka guddoomay shirkadda DP-WORLD, taas oo loogu tala galay ka hortagga xannuunkaas.

Qalabkaas ayaa isugu jiray Daawooyin, Gafuur-xidhyo iyo goloofisyo.

Waxana qalabkaas lagula kala wareegay xarunta cusbitaalka guud ee Berbera waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Maayarka degmada Berbera, Bahda caafimaadka gobolka iyo xubno matalayay shirkadda DP-WORLD.

Dr Bashiir Diiriye Jaamac isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil ayaa u mahad celiyay shirkadda DP-WORLD, waxaanu  xusay in qalabkaasi wax wayn ka tari doono adeegyada caafimaad ee cusbitaalka guud ee Berbera iyo ka hortagga covid-19.

Madaxa shirkadda DP-WORLD ee Somaliland ayaa sheegay inay Somaliland kala shaqayn doonaan sidii looga gaashaman lahaa xanuunka covid-19 isla markaana ay sii kordhin doonaan dedaalkooda.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan iyo  Duqa degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan ayaa ka mahad celiyay kaalmada caafimaad ee ay ugu deeqday shirkadda DP-WORLD waxaanay tilmaameen in xilligan loogu baahnaa agabkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker