Jiqluhu Waa Wareer Iyo Wed Wadajira

Madaxweynihii hore ee dalka mareykanka Mr. Ubama iyo Madaxweyne hadda haya talada dalka mareynkanka Mr. Trump, waxay kala aaminsanaayeen laba fikradood oo aad u kala durugsanaa, fikradahaas oo ahaa dhinaca ka hortaga cudurada faafa iyo bani’aadannimada, Madaxweynihii hore ee dalka Mareynkanka Mr.Ubama waxa uu ugu deeq lacageed oo gaadhaysay 4.64- bilyan oo dollarka mareykanka ah, in lagaga hortago xakameynta cudurka Ebolla ee ka dilaacay wadamada Guine, Zaire, Liberia, Congo Brazzaville, Republic Democratic of Congo, Uganda, South Sudan, Gabon, si aanu ugu faafin cudurkaas wadamada Aduunka.
Cudurkaas waxa lagu qiyaasay in uu aafeeyey dad tiradoodu gaadhaysay 28,610,- qof, halka ay u dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay 11,308,-qof, ka dib, waxa lagu xakameeyey cudurkaas dadaalkii uu muujiyey Madaxweyne Ubama oo ahayd Indheer-garadnimo (Proactive Leaders), fikirkaas ayaa sabab u ahaa xakameynta cudurka Ebolla, kaasoo qaatay muddo aad u koobneyd.
Halka Madaxweyne hadda tallada dalka haya Mareynkanka ee Mr. Trumb, waxa uu u arkayey aragti taas ka duwan oo ahayd danno dhaqaale iyo in cudurka Jiqluhu ee afka qalaad loogu yeedho Covid 19 ay waxyeeladiisu ku koobnaan doonto dadka u dhashay dalka Jaynaha oo kaliyaata, kaasoo markiiba ku tilmaamay in cudurkaasi uu yahay Fayraskii Jaynaha ( Chine Virus), marnaba kamuu fikirin Madaxweyne Trumb in dhibta iyo waxyeelada cudurkaas ay ku faafi doono 203- wadan oo ka mid ah Dunnida.
Cudurka Jiqlaha ee afka qalaad loogu yeedho (Covid 19), waxa uu maanta halleelay dad tiradooda gaadhayso 828,305.- qof waxaanu sahayday dad tiradooda lagu qiyaasay 40,733,- qof, kaasoo aan la saadaalin karin inta uu sii socon doono cudurkaas, waxay arrintaasi ku tusinaysaa in had iyo goor fikradaha indhow-garadnimada ahi (Reactive leaders) ay sababto in ay waxyeelooyin soo gaadhsiiso, dhinaca kobaca dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo nollosha aadamaha.
Haddaba, waxa xuusuus gaar ah igaliye maalin maalmaha ka mid ah annagoo guddanayna hawl maalmeed shaqo oo aanu ku qiimeynayney goobaha adeegyadda caafimaadka ee uu ka socdo mashruuca SHINE ee Gobolka Awdal.
Maalinkaas markii aanu soo dhameynay hawl-maalmedkayagii shaqo ee aanu ku soo aadaneyn magaalo madaxda Gobolka Awdal, kooxdayadaas oo marayey magaalada kalabeydh, ayuu si kadis ah ugu soo booday xannnuunka xiiqda loo yaqaan ee afka qalaad loogu yeedho “ Asmathics”, dhakhtarad ka mid ahayd kooxdii aan ka tirsanaa ee kormeeraysay mashruucaas.
Firkanaxii iyo naxdintii ayuu wadihii waday gaadiidkii ay saarneyd uu ku kordhiyey xawliga xawaarihii uu jarayey markii hore, ka dib markii wax ka yar 10-daqiiqadood gudahood ay ku yimaadeen Cusbitaalka Boorama, Dhakhtaradaas oo hawo qaadashadeedu ay dhib ku ahay, ayaa haddana la waayey shaqaalihii ku qornaa qaybta hawo qaadashada ee Cusbitaalka Boorama, waxa haddana si kadis ah loola cararay cusbitaal ka mid ah cusbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaala Boorama, cusbitaalkaas oo uu yaalay qalabka keydka hawda qaadashada macmalka ah ee lagula tacaala badbaadinta dadka neef qabatimooba, isla markaana, sidaas ayaa lagu badbaadiyey inantii dhakhtarada ahayd ee ka tirsaneyd kooxdii aan ka tirsanaa.
Kama tagana cudurka Jiqluhu neef-qabatimow, kaasoo hawl-gab ka dhigaya tamarta awooda hawo qaadashada sambabada qofka, isla markaana qofka uu halleelo cudurkaas waxa dhib ku noqonaysa awoodda hawo qaadashada, sambabada, waxaanu qofku u baahan yahay in uu hello qalabka hawda qaadashada macmalka ah ee lagula tacaalo badbaadinta dadka neef qabatimooba, laakiinse, haddii uu waayo hawadaa macmalka ah muddo Lix ilbidhiqsi ah, waxa ku imanaya neef-qabatimow uu ku naf-waayayo qofku, .taasaana sabab u ah dadka u dhimanaaya cudurkan Jiqlaha ee afka qalaad loogu yeedho (Covid 19-ka).
Haddaba, marka aynu eegno dhinaca siyaasadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, waxay dhigaysaa, in bulshadu Somaliland ay hellaan daryeel caafimaad oo hufan oo ay awoodi karayaan, isla markaana, si loo yareeyo xannuunada , si ay bulshada u noqoto bulsho caafimaad qabta oo ka fayow dhamaan cudurada faafa iyo kuwa aan faafin, kuna noolaadaana deegaan nadiif ah,
Waxa maanta inoo muuqata qaabka ay u wajahday ka hortaga cudurka Jiqlaha in aanay jirin qorshihii xeeladdeed ee lagaga hortagaayey cudurkan iyo nidaamkii diyaar-garowga ka hortaga faafitaanka cudurka Jiqlaha ee aafeeyey wadamo badan oo ka mid ah Aduunka.
Waxa muhiim ahayd in diiradda la saaro kor u qaadida awooda qaybinta agabka ka hortaga cudurkaas, si degdeg ahna loo sameeyo goobaha shaybaadhka lagu baadhayo dadka laga shakisan yahay in ay qabaan cudurkaas oo ah heer tuulo, heer degmo iyo heer gobol, in la hello qalabka shaybaadhka ee PCR iyo Coronavirus rapid test, lana sameeyo goobaha adeegyadda caafimaadka ee lagu karatinimeynayo qofka xannuunku ku cusub yahay, isla markaa ay goobahaasi ahaadaan qolal kala gaar gaar ah, qolal kaas oo yaalaan qalabka ugu haboon ee ka hortaga cudurka, lana hello qalabka hawo qaadashada macmalka ah ee loogu tallo galay in lagula tacaalo dadka neef-qabatimooba (Oxygen) iyo xirfadlayaal caafimaad oo lagu tababaray ka hortaga cudurka Jiqlaha, xeeladdaas waa habka ugu haboon ee lagu samoto bixin karo badbaadada dadka uu cudurkaas ku dhaco.

Maxamed Faarax Qoti
mfqoti@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker