Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi Ayaa Ka Masuul Ah Muranka Hawada ee Somalia iyo Somaliland

Maxammuud Xaashi, waxa uu muddo ku siman Shan sano maamulkeeda iyo shaqadeedaba uu hayay Wasaaradda Duulista iyo Hawada Soomaalilaan. Sidoo kale, Maxammuud waxa uu ahaa wasiirada ugu awoodda badan, ee biyo culusta u ahaa xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo. Markii la unkay ee la bilaabay wadahadallada Sooomaliya iyo Soomaalilaan, waxaa gooni looga saaray wadahadaladda, hawada oo lagu muransanaa, oo wada xaajoodkoodda loo xilsaaray labadii Wasiir ee kala matalaayay, labada dal.

 

Maxammuud, isaga oo madaarka Hargeysa ka soo degay arinkana ka waramaaya waxa uu yidhi: ‘ Waxa aanu isla qaadanay dawlada Sooomaliya, in marka hore hawada lagu soo celiyo gacmaha soomalida. ” Mardanbe oo Waraysi laga qaaday Maxammuud, waxa uu yidhi: ‘ Waxa na horyimid sadex dariiqo (tree option), in Qaramada midoobe gacanta ku sii hayso, In aanu kala maamulanno, iyo in mashruucan laga madaxbannaaneeyo, maamullada iyo siyaasada.” Isla hadana waraysigaa waxa Maxamuud ka soo baxday odhaah sidan u dhigan: ‘ Istaanbuul shirkii ka dhacay waxaa lagu heshiiyey, in mashruuca si guud loo maalu xaruntiisuna hargeysana noqoto.”

 

Haddii aad dhanwalba ka istaagto hadallada Maxamuud Xaashi, waa qaar isburinaaya oo iska hor iyo dabo imanaaya. Hadallada Xaashi waxay caddeyn buuxda u tahay sida fudud ee hawada Soomaalilaan uu ku wareejiyey, Soomaliyana hadyada ugu siiyey maamulka hawada.

Maxamuud Xaashi waa nin siyaasiya, waxaannu ka war qabay xog’ogaalna u ahaa Soomaalilaan, iyo Soomaliya waxa kala dhex jiifa. Marka uu leeyahay waxaa nala siiyey saddex dariiqo aanu ku heshiinno, Xaashi marna ma masuugeen, soo jeedinta ah mashruucan gacmaha haku sii hayso haayaddii maamuli jirtey. Dhaqaalaha ka soo baxa hawada waa loo kala qaybin jirey, Soomalilaan badhkeeda waxay u qaadan jirtey si xarrago leh.

 

Maxamuud waa shaqsi aad loogu xanto inuu sameeyey xaatooyo ba’an aadna u lacag jecel, haddii aynu ku bikaacinno fekradan laga qabo Maxammuud iyo haddii aynu isu eegno warsaxaafadeedyadii iyo wareysiyada, laga qaaday siday isu jabinayaan, xogta markasta kaa. Soomalidu waxay ku maahmaahdaa “waxa umusha u`dana ayaa ilmahana u dana”, maxamuud soomaliland siday dantu ugu jirtey nin garan waayay ma aheyn waxaanu u soo joogay waayo badan oo guracan, siyaasadana nin ku cusub ma ahayn, xaashi hawada soomaliland dhuuni iyo lacag hel buu ku wareejiyey.

 

W/Q: Cadhod Badar Cadhod

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker