Waxyaabo dabiici ah oo kaabi kara iska caabbiga jidhka ee cudurrada
Waxyaabo dabiici ah oo kaabi kara iska caabbiga jidhka ee cudurrada. Qaarkood waxa ay wax ka taraan la dagaallan fayrisyada:
– Liin-dhanaanta oo hodan ku ah fiitamiin C.
– Toonta
– Khalka
– Sinjibiisha
– Khudaarta kala duwan
– Moringa
– Malmal
– Beeyada (Saliidda fooxa ayaa dareere lagu dhibcin
karaa)
– Xabaggod (iyada oo la safeeyay)
– Xabaasuud
Muhiim ma aha inaad wada qaadato, se kolba sida aad u heli karto ama ay kuugu fududaan karaan.
Habdhaqanno taageeri kara xoojinta iska caabbiga jidhka:
– Hurdo kugu filan seexo
– Wixii cidhiidhyoow (diiqad) ku gelinaya ka dhowrso inta
aad kari karto
– Haddii aad sigaaryacab tahay ama balwad kale leedahay jooji
– Jimicsi
– Wixii tallaabooyin ah, sida nadaafadda iyo faraxalka ee
yarayn kara in jirro kuu soo gudubto.WQ: Axmed Ibraahim Cawaale



