“Boolisku waa tiirka ugu adag ee ciidanka qaranka, inkasta oo ciidamada qaranka ee ilaaliya difaaca qaran-nimada, .. ” Wasiir Maxamed Kaahin

Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay inay ciidamada Boolisku udub-dhexaad u yihiin amniga dalka, isla-markaana ay hormood u yihiin fulinta iyo hirgelinta shuruucda, waxaana uu yidhi, “Boolisku waa tiirka ugu adag ee ciidanka qaranka, inkasta oo ciidamada qaranka ee ilaaliya difaaca qaran-nimada, haddana ciidanka Booliska waxa usii dheer inuu yahay ka gacanta ku haya ilaalinta nabadgeylada gudaha iyo hirgelinta nidaamka sharci ee dalka iyo dadka lagu dhaqaayo, in dadka sharciga la baro, lagu qaado, dadka sharci-darrada laga qabto oo la fuliyo sharciga iyo nidaamku waa ciidanka Booliska shaqadiisa, ciidamada cusub ee tababarka soo qaatayna waxa aanu rajaynaynaa inuu noqdo dhiig cusub oo kusoo biiray ciidamadii hore ee booliska ahaa oo si fiican u dardargeliya nidaamka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker