Debad-baxayaal ka Cadhaysan Dilkii Qaasim Suleymani Oo Gil-gilay Caasimada Baqdaad.(Sawirro)

Kumanaan dadweyne ah oo  kana Cadhaysan  dilkii Mareykanku u geestay Taliyihii ciidamada Xulka ee Qudus Jeneraal Qasim Sulemani ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka magaalada Bagdaad ee Caasimada dalka Ciraaq.

 

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa aad uga Cadhaysnaa dilka loo geestay taliyaha oo ahaa nin saameyn badan iyo awood muuqata ku dhax lahaa ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan .

 

Dibad baxayaasha ayaa watay Boodhadh ay ku xardhanaayeen sawirada taliyaha la dilay waxa ayna dadka ku dhawaqaayeen hal ku dhigyo ay kamid ahaayeen Mareykanku ha dhinto hana dhaco.

 

Dilka Mareykanka u geestay taliyihii ciidamada xulka ee Qudus oo ah cutubyo qaabilsan howlgalada dibada gaar ahaan Bariga Dhaxe ayaa dhaliyay xiisad meel xun gaartay oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan.

 

Dowlada Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay ka aargoosan doonto Mareykanka , waxaana durba bariga dhaxe laga dareemayaa cabsi laga qabo in uu dhaco dagaal iyo aargoosi ka dhalan kara dilkii Jeneraal Qaasim.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker