Garyaqaan Xuseen Maxamed Cabdilaahi (Xuseen-Shabeel) Oo Fallan-qeyn Ku Sameeyay Qodobo Muddo Dheer Ay Isku-Siyaasad Ka Ahaayeen Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan-Cirro

WADA SOCODKA MUUSE IYO CIRO.                         25/06/2018.

Waxa muddo dheer oo qiyaastii ku dhaw lixdii  sano ee u danbaysay mudo xileedkii madaxweyen siilaanyo  dalkan somaaliland  haystay mid kamida dhacdooyinka dalalka aduunka  qaarkood  soo mara oo ah in madaxweynihii dalka xukumayay sababo jira awgood sida Xanuun la soo darsa ama dadiisa oo weynaata ay sababto in  talada xukunka wadanku gacantiisa ka baxdo oo ay u  gacan  gasho cid kale gaar ahaan dadka ka ag dhaw ee ku xeersan oo si sharci daro ah ugu tagri fala, hadaba iyada oo taasi jirta oo madaxda waaweyn ee mucaarid iyo muxaafidba lihi   hoos wax u ogyihiin hadana waxa lagu dadaalayay sidii xeegana xeego u noqon lahayd ilkana u nabad gali lahaayeen ee dalkan loo badbaadin lahaa, aan u soo noqdo dulucda maqaalkee  waxa ay labada hogaamiye ee Muuse Biixi Cabdi iyo C/raxmaan C/laahi Ciro  ka wada socdeen in dalka la badbaadiyo marka laga reebo ta mid walba u gaarkaa ee ah inuu isagu kursiga fuulo, dhanka kalana waxa ay kawada socdaan arimo badan ilaa manta oo  dadku  u haystaan laba nin oo isu cadawa ama kala fog, waxaana taa u daliila oo cadayn kugu filan bal u fiirso qodobadan iyo dhacdooyinkan hoos ku qoran ee kugu soo maray taariikdii dhaweyd ee aad wax ka fahmi karto.

Araar :-

Bulshadani hadii  ay dantooda maalin uun garan lahaayeen oo heeryada qabiil iyo naxligaa nin dan lihi  kala dhexdhigay tuuri lahayd waxa dhaba in ay tanaadi lahayd oo ay guul gaadhi lahayd waxna wada qabsan lahayde rag tabtii iyo tabihii hore uun wali isticmaalaya  si ay xukunka u haystaan oo dad iyo duunyaba u boobaan ayaa qabyaalad iyo kooxaysi wali u kala qaybinaya iyaga oo hoosta isaga daloola iyagu.

Daba galisyadeediyo doqon wey ka adagtahay

Dana wey wadaagtaa dudadaa u kala rogan mana kala dab qaatan

Dadabaa ku kala xidhan kala durugsanaantiyo digadaa nin baa shiday

Dawaduu ku huriyaa rag inuu damiyaa damiirkoodu farayaa

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi).

Bal u fiirso hadaba qodobadan ku tusaya wada socodka dahsoon ee aanu dadka badankoodu fahmi Karin ee ka hor dhacaya kuna tusaya wada socodka labada hogaamiye ee Muuse iyo Ciro.

  1. Ka Bilaw Xiligii mudo kordhintii u danbeysay ay doonayeen kooxdii bucada ahayd ee dalka maamulaysay ee ku shaqaysanaysay  maqaarkii mujaahdi/madxweyne Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo, labadan hogaamiye ee muuse iyo ciro  si cad ayay uga hor yimaadeen waxaanay soo jeediyeen in doorashada waktigeedii lagu balansanaa  lagu qabto iyada oo guurtida iyo maxkamada sareba muddo kordhintaa cusub ee  ay wateen kooxdasi ay  ansixiyeen, hadaba  markii ay labaduba ka hor yimaadeen maadama labada nin ee meesha ku tartamaya ama ugu dhawi iyaga ahaayeen ayay kooxdii budhcada ahayd baqatay oo soo saartay qoraal ay ku sheegtay inuu madaxweyne siilayo soo saaray oo dhigaysa in doorashada wakhtigeedii lagu qabto maxkamada sarena xukunkeedii dibu’eegis ku samayso taas oo ceeb ku ahayd maxkamada sare oo iyada oo xukunkeedii hore ay ku saxeexanyihiin 11 garsoore ee ay ka koobantahayba ay kii danbe oo  sharciga baal marsanaa oo ay tidhi  kii hore ayaa wax laga badelayaa oo codsiga madweynaha ayaa la waafajinayaa soo saartay iyada oo 5 shan garsoore oo kaliyi ku saxeexanyihiin taas oo sharciga ka fog oo aan xukun 11 garsoore saxeexeen aanay mid shan garsoore saxeexeen soona saareen lagu jabin Karin, labada hogaamiye sharcigaa ku tumashadiisa kamay hadlin iyaga iyo xisbiyadoodu toona maadama siday doonayeen laga ogolaaday.
  2. Is weerar la’aantii  xaga shakhsigaa ee aan dhex marin labdan hogaamiye xiligii loo qabtay dooda musharixiinta sadexda xisbi sidii ka muuqatay musharxa xisbiga ucid oo kale.
  3. Diid madii soo jeedintii kaadirkii xisbigiisa iyo waydiintii su’aasha ee Cabdi raxmaan Ciro  markii ay kaadirka xisbigiisu soo hordhigeen doorashada ka hor xogtii ay heleen ee ahayd shirkada soo daabacaysa waraaqaha lagu codaynayaa inay tahay shirkad laga leeyahay wadanka imaaradka oo qaar ka mida budhcada dalka haysata oo xisbiga kulmiyana taageersani gacanta ku hayaan sida nin ka baashe ee  safiirkaa ee dalkaa inoo fadhiyaa soona jeediyeen in uu doorshada qaadaco ciro, taas oo ciro ka diiday dhanka kalana uu weydiiyay inay keenaan qorshe  kale ama plan B, taas oo ku tusaysa waxa u gaarka ah ee uu ogyahay iyo waxa ka weyn ee jira.
  4. Xalintii khilaafkii ka dhashay doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka ee Baashe iyo Talyanle ku tartamayeen ee madaxtooyadii oo laba talaabo u jirtaa soo dhexgali weyday oo ku tusaysa inaan madaxweyne talinaya ama talo  uruursani jirin xiligaa, dhanka kalana maxkamadii sare ku guul daraysatay ka garnaqisteeda dacwadii dhinaca talyanle u gudbiyay oo iyaduna  ku celisay kuwii is haystay (Xildhibaanadii/golihii wakiilada) oo waayabe  tidhi idinku kala baxa markuu halkaa xaal marayana ay dhexgaleen madaxdii xisbiga mucaaridkaa ee wadani oo ciro hogaaminayaa waasidii ay yeeli jireen ragwaaweyn oo hoos wax u ogiye isuna keeneen kii mucaaridku taageerayay  iyo kii muxaafidku taageerayay wax la isyidhiba warbaahinta uun ay ka soo muqdeen iyaga oo gacmaha isu saaray iyaguna dhex jooge u yihiin bulshadana sidaa ugu soo gudbiyay  sidaasna khilaafkii ku dhameeyeen.
  5. Murankii soo baxay xiligii doorashada ee ahaa buugii waraaqaha lagu codaynayo oo isaga oo dibada u soo baxay gacanta uu u soo galay xisbiga mucaaridkaa ee wadani arintaas oo muran badan dhalisay markii cid dhexdhexaad ah oo soo dhexgasha la waayay wada hadal dheer iyo doodo dhexmaray komishanka qaranka iyo madaxda xisbiga mucaaridkaa ee wadani iyo waxgaradkii iyo culimadii wadanka oo iskood isu xil qaamay oo isku soo dhawayn waday aakhirkii uu isagoo waxa jira iyo waxa dhici kara haduu ku sii adkaysto arkaya uu candhuuftiisa dib u liqay c/raxmaan ciro iyagoo wada jirana isaga iyo komishanku ay shir jaraa’id sidaa kuwada qabteen bulshadana u sheegeen oo warbaahinta u mariyeen in arintii la xaliyay isaga oo gudoomiyaha komishanku ku tiraabaya in uu xalkii la qaatay gudoomiye ciro isaga oo wadanka u tudhaya sidii caadada u ahaanjirtay.
  6. Kasoo qayb gal la’aantii muuse biixi xafladii komishanka qaranku kaga dhawaaqayay natiijadii doorashada ee uu isgu ku guulaystay.
  7. Aqbalaadii natiijada doorashada ee c/raxmaan ciro iyo qudbadiisii qiimaha badnayd ee uu jeediyay ee uu ku tilmaamay inuu dadka iyo dalka u tanaasulay.
  8. Ka fogayntii iyo dareerintii kooxdii budhcada ahayd ee dalka maamulaysay iyo sida aanu ugu soo darin golaha cusub ee xukuumada uu soo dhisay  Madxweyne Muuse Biixi.
  9. Shirkii ay hargaysa ku qabsadeen laba cisho kadib markii ay iska waayeen xukuumadii cusbayd ee lasoo dhisay   kooxdii budhcada ahayd ee dalkan iyo dadkan boobtay mudadii ay taladu gacantooda gashay shirkaas oo ay ku muujinayeen sida ay uga cadhaysan yihiin iyo  sida ay isula rogtay iyo sida loo caydhiyay.

Hadaba anigu shakhsiyan waxa aan qabaa in umadan duruufaha adag ee ay ka midka yihiin  sixir Baraka, biyo la’aanta , caafimaad darada, busaaradaha iyo shaqo la’aantu waxa ay iyaga oo midaysan uga hadli la-yihiin ee ay uga dhiidhiyi la-yihiin  ay tahay gidaarkaa qabyaalada ee lagu kala xidhay iyada oo aan dhinacna loo aaba yeelahaynin wax nafoo loo hayaana aanay jirin ee niman dan lihi wixii yaraa ee ay haysteena ku boobayaan iyagoo kolba shaadh u xidhanaya oo ku kala qaybinaya wax ay u sheegeen oo ay awrkooda ku kicisanayaan, hadaba waxaynu u baahanahay bulsho ahaan iyo umad ahaan  in shirar  ka hadlaya, danaha umada u dantaa iyo cadaaladooda iyo noloshooda la isugu yimaado dhaqaalana lagu bixiyo ee aynaan u baahnayn shir beeleedyo wixii ina soo daashaday uun dabada ku haya inta sidaa lagu jirana umadani waligeed  dulmigaa iyo duligaa  ka bixi mayso oo kolba reer ayuunbaa shiri .

Dadkaan lahad layaaban lahayn dux iyo iimaane

Wixii soo daashaday degamsanayasaa.

Abwaan C/laahi Suldaan Timo Cade.

Image may contain: 1 person, standing

 

Garyaqaan Xuseen Maxamed Cabdilaahi (Xuseen-Shabeel)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker