Eritrea oo dib ugu biireysa urur goboleedka IGAD 16 sano kadib
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa sheegay in dalkiisu dib u helayo xubinnimadiisii urur goboleedka IGAD oo sannadkii 2007 laga saaray.
Afwerki oo booqasho rasmi ah ku jooga Kenya ayaa sheegay in aan wax hadal ahi haatan ka taagnayn in dalkiisu mar kale helo xubinnimadiisii ururka IGAD Is weydiintu hadaba waxay tahay maxaa haatan isbedelay ee sahalay in Eritea mar kale dib ugu biirto ururkaas, raalli se ma ka wada yihiin arintan wadadamada ururka ku jira oo dhan gaar ahaan kuwa xurguftu dhextaal iyaga iyo Eritrea.